Tartanka Iskuullada

Tartamada uu qabto xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta waxaa ka mid ah:

Tartanka Iskuullada.

Tarnatka Iskuulada waxaa la qabtaa sanadkiiba mar waxaana ka qeyb gala caruurta iskuulada hoose iyo kuwa dhexe .

Ujeedadu waxaa ay tahay in kubada cagta laga dhiso iskuulada si loo helo dhalinyaro ka dhisan dhinaca aqoonta maadiga ah iyo kubada cagta oo mar qura iskuulada kasoo baxa.

Isboortiga Soomaaliya waxaa markiisii hore lagasoo bilaabay iskuulada sidaa daraadeedna xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu diirada saarayaa iskuulada,taas ayaana keentay in la qabto tartanka iskuulada.

Ujeedooyinka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayay ka mid tahay in iskuulada iyo xiriirku ay lahaadaan xiriir wada shaqeyneed maadaama labaduba ay ka shaqeeyaan arrimaha bulshada.