Soomaaliya 1 Kenya 0: Waa Natiijada taageerada FIFA ee barnaamijka dhalinyarada

Friday April 20, 2018 - 21:55:48
0 Comments
3357
Super Admin
Xulka kubada cagta qaranka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano ayaa maanta 1-0 kaga adkaaday dhigooda Kenya cayaartii ugu dambeysay ee group-ka A kana tirsanayd tartanka dhalinyarada CECAFA ee ka socda Burundi. Natiijadan ayaa ka dhiegysa in Soomaaliya ay kusoo baxday kaalinta 1-aad ee group-ka A, waxaana hada Soomaaliya ay leedahay 7 dhibcood.


Xulka Soomaaliya ee uu hogaaminayo macalin Salaad Faarax xasan ayaa u dabaal degay goolka guusha daqiiqadii 15-aad ee cayaarta, waxaana Soomaaliya goolka guusha u saxiixay Farxaan Maxamed Axmed oo numberka 11-aad u xirta qaranka Soomaaliya.


Natiijada maanta ayaa aad u farxad gelisay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa aad ula dhacay qaab cayaareedka wiilashan. "Wiilashani waxay tababar soo wadeen muddo 2 sanadood ah oo ay kasoo qeyb qaateen horyaalka dhalinyarada ee sanadkiiba mar la qabto, waxaana ku kalsoonaa in ay bandhig wanaagsan sameynayaan sidaba maanta dhacday”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdiqani Saciid Carab.



Guddoomiye Carab ayaa hadalkiisa sii raaciyay " Waxaan fursadan uga faa’ideysanayaa in aad amaan usoo jeediyo FIFA oo nagu gacan siisay in aan guushan gaarno, sababtoo ah Soomaaliya heerkan waxay kusoo gaartay garab istaaga FIFA oo maalgelisay horyaalka kubada cagta ee dhalinyarada iyo barnaamijyada kale ee xaga horumarinta ah ee dalka ka socda”.


"FIFA waxay maalgelisay horyaalka dhalinyarada oo aan markii ugu horesay bilownay 2016-kii kaasoo lagu bilaabay 12 kooxood, kaddibna aan balaarinay oo ka dhignay 14 kooxood. Sanadka dambe waxaa noo qorsheysan in lasii balaariyo horyaalka dhalinyarada. Waxaan aad ugu faraxsanahay in horumarka aan sameyneyno uu soo jiitay FIFA iyadoo wadamada qaar aysan wali helin barnaamijkan Soomaaliyana sanadkii sadexaad oo xiriir ah lagu abaal mariyay”ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdiqani Saciid Carab.


Dhanka kale guddoomiyaha ayaa amaan balaaran usoo jeediyay macalinka qaranka Salaad Faarax Xasan iyo wiilashiisa yar yar sida wanaagsan oo ay qaranka Soomaaliyeed ugu mataleen cayaarahan heerka caalami ah.


Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment