Wasiirada Isboortiga oo kormeertay Garoonka Banaadir

Sunday December 03, 2017 - 17:24:47
0 Comments
2225
Super Admin
Wasiirada Dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta soo kormeertay garoonka kubada Cagta Stadium Banaadir ka hor furitaanka cayaaraha kubada cagta maamul gobaleedyada dalka.


Wasiirada ayaa waxaa kormeerkeeda ku wehlinayay ku xigeenkeeda Axmed Cumar Islaw, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada cagta dalka, Cali Cabdi Maxamed, agaasimaha guud ee wasaarada Isaaq Xaashi, Xoghayaha guud ee xiriirka Xasan Maxamed maxamuud , Madaxa xafiiska lojistikada ee xiriirka kubada cagta Abuukar Islaw, iyo la taliyaha wasiirka Ibraahim Xuseen Cali (Roombe).


Ujeedada wasiirka iyo wafdigeedu u booqdeen garoonka ayaa ahayd in ay u kuurgasho sida garoonku ugu diyaarsan yahay marti gelinta cayaaraha maamul gobaleedyada dlaka oo ay ka qeyb geli doonaan shan maamul gobaleed iyo gobalka Banaadir.



"Inta badan shqadii dayactirka ee garoonka ka socotay way soo dhamaatay, waxaana jeclahay in bulshada Soomaaliyeed aan la wadaago in cayaaruhu ay bilaaban doonaan xiligii loogu talagalay oo ah 7-da bishan wax dib u dhac ahna ma jiri doono”ayay saxaafada u sheegtay Wasiirada Isboortiga Marwo Khadiija Maxamed diiriye.


"Waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa in aan amaan usoo jeediyo xiriirka kubada cagta qaranka Soomaaliyeed howsha weyn ee ay dhabarka saarteen. Waxaan aad ugu rajo weynahay in cayaaruhu si qurux badan ku bilowdaan si qurux badana ku dhamaan doonaan”ayay hdalkeeda sii daba dhigtay Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.


"Kooxaha qaarkood waa ay yimaadeen waxaana la dajiyay hoteeladii loogu talagalay , inta harsana ugu dambeyn barri ayay imaan doonaan caasimada”ayay tiri marwo Khadiija Maxamed Diiriye.


Dhanka kale wasiirada ayaa sheegtay in garoonka Banaadir uu dhawaan laba jeer marti geliyay cayaaro xili habeen ah taasoo ahayd tijaabo waxaana ay carrabka ku adkeysay in wasaaradu ay xiriirka kubada cagta dalka ku gacan siin doonto in cayaaraha habeen iyo maalinba si isku mid ah loo dheelo, tasoo ay sheegtay in wasaaradu iminka ku howlan tahay.





Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment