Wasaarada Isboortiga oo dhul ugu deeqday Xiriirka Kubada Cagta

Monday September 25, 2017 - 18:56:24
0 Comments
2630
Super Admin
Wasiiradda Isboortiga Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya wasaaraddeeda isboortigu ay dhul ugu deeqday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta.


Waxaa ay wasiiraddu sheegtay in dhulkaas banaan uu yahay booskii loogu tala galay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta oo xaruntiisana dhawaan dhismeheedu halkaa ka bilaaban doono insha Allah


"Xiriirka kubada Cagtu shaqo muhiim ah ayuu dalka ka hayaa, waxaa ay muddo dheer ku shaqeynayeen xarun ay kiro ku dagan yihiin, waxaanse ku faraxsanahay in dhawaan uu xiriirka Soomaaliyeed dagi doono xarun uu leeyahay”ayay saxaafada u sheegtay wasiirada Isboortiga dalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.



"Waxaa nasoo jiitay shaqada weyn oo uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagtu qabanayo. Wax badan ayay ku guuleysteen in ay dalka ka hir geliyaan waxaana go’aan ku gaarnay in aan gacan weyn siino intii karaankeena ah, anigana ka wasiir ahaan waxaa si weyn iiga go’an in aan garab istaago xiriirka”ayay hadalkeeda sii raacisay waasiiradu.


"Waa cusub ayaa u baryay Soomaalia, dalku horay ayuu u socdaa, dib u noqosho dambena ma jirto, horumarkuna wuu sii soconayaa. Soomaaliya way soo laabatay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtuna kaalin muuqata ayuu ku leeyahay dib usoo kabsashada dalka”ayay saxaafada u sheegtay wasiirada Isboortiga dalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.


Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment