Soomaaliya oo xustay Maalinta Nabada Aduunka

Thursday September 21, 2017 - 23:47:52
0 Comments
2144
Super Admin
Soomaaliya ayaa u dabaal degtay maanlinta caalamiga ah ee nabada Adduunka, waxaana lagu maamuusay cayaar kubada cagta ah.


Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhinaano iyo madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Soomaaliya oo uu hogaaminayay guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cali Cabdi Maxamed ayaa ka mid ahaa daawadayaasha cayaar kubada cagta ah oo ka dhacday garoonka ay FIFA dayactirtay ee Stadium Banaadir maanta oo Khamiistii ah


Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye, oo munaasabada hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in wasaaradeeda iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay iska kaashadeen hirgelinta munaasabada maalintan caalamiga ah ee nabada aduunka lagu xusayay oo si guul ah kusoo dhamaatay.



"Si la mida dalalka kale ee aduunka, Soomaaliya sanad kasta ayay xustaa maalintan aadka u muhiimka ah. Anaga qabashada munaasabadani waxay qeyb nooga tahay dadaalada xoojinta nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya” ayay tiri wasiirad Khadiija Maxamed Diiriye.


"Dalkeenu si weyn ayuu ugu baahan yahay nabad iyo degenaasho, kubada cagtu waxay noo tahay aalad aan u adeegsano is dhexgalka bulshada iyo nabad kusoo dabaalida dalka, sidaa daraadeed maalintani muhiimad weyn ayay noo leedahay”ayay hadalkeeda sii raacissay wasiirada dhalinyarada iyo cayaaraha dalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye. Naadiga FC Banaadir ayaa ku guuleystay koobkii lagu maamuusayay maalintan kaddib markii ay 2-1 kaga adkeedeen dhigooda Gaadiidka.


Maalintan caalamiga ah ee nabada aduunka ayaa markii ugu horeysay caalamka laga xusay maalint Talaado ah oo ku beegneyd 21-kii Seotember 1982-kii, xilligaa wixii ka dambeeyayna sanad kasa waa laga xusaa caalamka oo dhan.







Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment