Guddoomiyaha Xiriirka kubada Cagta oo kusii jeeda Puntland

Wednesday September 20, 2017 - 12:26:16
0 Comments
2055
Super Admin
Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta, Cabdiqani Saciid Carab, ayaa barri oo khamiis ah u amba bixi doona maamulka Soomaaliyeed ee Puntland.


Wafdi heer sare ah oo uu guddoomiye Cabdiqani Siciid Carab, hogaaminayo ayaa ka amba bixi doona magaalada Muqdisho, iyagoo ku wajahan xarunta ganaciga Puntland ee Boosaaso, halkaas oo ay ka dhici doonto munaasabad lagusoo gabagabeynayo horyaalkii kubada Cagta Puntland.


Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdullaahi Sheekh Nuur ayaa oo fadhigiisu yahay magaalada Boosaaso ayaa wafdiga halkaa uga biiri doona, waxaana munaasabada gabagabada horyaalka kubada cagta ee Puntland ay ka dhici doontaa magaalada Boosaaso 23-ka bishan insha Allah.



Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment