Injineero dhameystiraya Iftiiminta Garoomada Jaamacadaha iyo Banaadir oo dhawaan dalka Imaanaya.

Saturday September 09, 2017 - 20:04:44
0 Comments
3258
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa shaaca ka qaaday in uu heer gabagabo ah marayo qorshe balaaran oo muddo socday oo nalal waaweyn lagula rakibayo garoomada kubada Cagta, waxaana dhawaan dalka soo gaari doona Injineero u dhashay dalka Jarmalka oo howshaas u xil saaran.


War saxaafadeed uu soo saaray agaasimaha warfaafinta xiriirka kubada cagta Soomaaliya Shaafici Islow ayaa lagu sheegay in qorshaha iftiiminta garoomada uu qeyb ahaan soo bilowday sanadkii 2016-kii xilligaas oo hey’ada caalamiga ah ee TIS+ ay bilowday in ay garoonka Banaadir ku rakibto nalal iyadoo ka jawaabeysa codsigii xiriirka kubada cagta Soomaaliya ee ku aadanaa iftiiminta garoomada si loo suurageliyo in xikli habeen ah la cayaaro.



"Qorshaha iftiiminta garoomada muddo ayuu soo socday lagasoo bilaabo markii hey’ada TIS+ ay bilowday nal gelinta garoonka Banaadir oo dhowr habeen la iftiimiyay laakin ay soo baxday in aan lagu cayaari Karin, waxaana tijaabadii labaad ay noqotay in habeenkii jimcaha lagu cayaaro cayaartii kama dambeysta ahayd ee tartanka degmooyinka, iyadoo tijaabadan dambe lagu ogaaday in wali howsha aanay fari ka qadneyn inkastoo ay noo suuragashay in cayaarta lagu qabto” sidaasi waxaa lagu sheegay war saxaafadeed uu maanta soo saaray agaasimaha warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Shaafici Islow.


Masuulkan u hadlay xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan ay dalka soo gaari doonaan Injineero qiimeyn ku samenyn doona goobaha loogu tala galay in lagu rakibo taawarro dhererkoodu dhan yahay 60 mitir oo ay ka baban doonaan nalal waaweyn oo suuragelin doona in si weyn loo iftiimiyo garoomada kubada cagta Banaadir iyo Jaamacadaha.


"Howshani waxaa ay qeyb ka tahay barnaamij balaaran oo ay maal gelineyso FIFA waxaana loogu tala galay in si la mida garoomada waaweyn ee aduunka iftiin ku filan loogu helo labada garoon ee Banaadir iyo Jaamacadaha oo si isku mid ah ay uga dhici doonaan cayaaraha horyaalada kala duwan ee heer qaran”sidaas waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka uu maanta soo saaray agaasimaha warfaafinta xiriirka kubada cagta dalka Shaafici Islow.


Howsha dhameystirka iftiiminta garoomada ayaa qeyb ka ah qorshe balaaran oo xaga horumarinta ah oo FIFA ugu tala gashay in laga fuliyo dalka Soomaaliya afarta sano ee soo socota, sida ku cad jadwal howleedka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.


By Cumar Ibraahim Cabdisalaam

Madaxa qeybta warfaafinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment