Muqdisho oo 3-0 kaga adkaatay Maxamuud Mire

Friday September 23, 2016 - 16:30:57
1 Comments
2937
Super Admin
Kulanka oo ahaa mid ka tirsan horyaalka dhalinyarada soomaaliya ayaa waxaa shaley galabta garoonka Jaamacadaha ee Degmada Hodan oo isaga horyimid labada kooxood ee Muqdisho iyo Maxamuud mire.


Muqdisho ayaa kullan aad u xiiso badan waxa ay shaley galabta wajahday dhigeeda Maxamud mire, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hoggaamineyaan muqdisho, waxaana gool rigoore u dhaliyay xiddiga weerarka ee cusman salad cabdi oo lambarka 7-aad xirta kooxdan ayaa u dhaliyay daqiiqadii 26-aad.


Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ciyaartooyda Muqdisho waxa ay halkooda kasii wadeen kubaddii qurxooneyd iyagoo la yimid labo gool kale waxaana is raacsaday ciyaaryahan saciid c/laahi raage oo lambarka 14-aad xirta kooxda muqdisho ayaa u dhaliyay daqiiqadihii 61-aad iyo 64-aad. waxaana ciyaarta waqtigii loogu tala galay ay kusoo dhamaatay 3-0 oo ay guusha ku qaateen Muqdisho.

Inttii ay cayaartu socotay ayaa cayaartoyda labada kooxoodba waxaa ay qaateen ganaaxyo sida hoos ku cad.

 

                                                                 Muqdisho

Magaca

Lambarka

Daqiiqada

Ganaaxa

Mahad xasan maxamed

6

35-aad

Jaale

                                                         Maxamuud mire

Magaca

Lambarka

Daqiiqada

Ganaaxa

Cabdalla xintir cumar

12

24-aad

Jaale

Kamala daahir maxamed

8

48-aad

Jaale



By Cumar Ibraahim Cabdisalaam

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment