Abuu xaniifa oo guul ka gaartay 21 November

Thursday September 22, 2016 - 18:08:27
0 Comments
3160
Super Admin
Iyadoo horyaalka dhaliyarada Soomaaliya uu si xiisa leh uga soconayo garoonka Jaamacadaha ayaa maanta waxaa halkaa isku fara saaray kooxaha kala ah Abu xaniifa iyo 21 November, waxaana kooxda Abu xaniifa ay 2-0 madaxa dhulka ugu dhigtay kooxda 21 November.

 


Ciyaarta ayaa aheyd mid aad u xiiso badan waxana qeybtii hore lagu kala nastay 0-0, xilli labada dhinac ay iska qasariyeen fursado gool loo filan karo. Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ciyaartooyda abu xaniifa waxa ay heleen labo gool waxaana u dhaliyay saadaq c/casiis c/laahi oo lambarka 10-aad xirta kooxdan ayaa u dhaliyay daqiiqadii 45-aad halka goolka labaad uu raacsaday maxamed xasan muuse oo lambarka 6-aad xirta kooxdan ayaa u dhaliyay daqiiqadii 47-aad waxeyna ciyaarta kusoo dhamaatay 2-0 oo guusha ku qaadatay Abu xaniifa.

 



Inttii ay cayaartu socotay ayaa cayaartoyda labada kooxoodba waxaa ay qaateen ganaaxyo sida hoos ku cad.

                                                               Abu xaniifa

Magaca

Lambarka

Daqiiqada

Ganaaxa

c/qaadir cabdi jaamac

5

5-aad

Jaale

Saciid xaaji maxamed

8

25-aad

Jaale

Xasan muuse maxamed

11

39-aad

Jaale

                                                             21november

Magaca

Lambarka

Daqiiqada

Ganaaxa

Cabaas aadan axmed

8

65-aad

Jaale



By Cumar Ibraahim Cabdisalaam

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment