Banadir zone oo 3-0 kaga adkaatay Raage Ugaas

Friday September 16, 2016 - 17:26:47
0 Comments
2972
Super Admin
Sida caadiga ah tartanka dhalinyarada oo maalmaha khamiista iyo Jimcaha la dheelo lana qabto laba cayaarood ayaa cayaartii hore ee maanta oo jimco ah waxaa ay dhex martay kooxaha Banadir Zone iyo Raage Ugaas waxaana kooxda Banadir Zone ay ku adkaatay 3-0.

 


Cayaaryahanka la yiraahdo Cabdirashiid Axmed Abuukar oo lambarka 7-aad u xirta kooda Banadir Zone ayaa noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee sadexley ka dhaliya tartanka dhalinyarada, waxaana kooxdiisa uu u saxiixay goolasha sadexda ah ee ay ku adkaatay daqiiqadihii 13-aad, 49-aad iyo 64-aad.


Isku day kasta oo ay sameeyeen cayaartoyda kooxda Raage Ugaas wax natiijo ah waa ay ku gaari waayeen, waxana y garoonka ka bexeen iyagoo sadex gool dhabarka loo saariyay. Sida ku cad shaxda hoose waxa intii ay cayaaru socotay la bixiyay ganaaxyo labada dhinac ay kala qaateen.

 

                                                                Banadir Zone

Magaca

Lambarka

Daqiiqada

Ganaaxa

Cabdiraxmaan Cabdulaahi xasan

14

50-aad

Jaale

                                                                 Raage Ugaas

Magaca

Lambarka

Daqiiqada

Ganaaxa

Cabdifitaax Maxamed Maxamuud

3

33-aad

Jaale



Somali Football Federation Media Department

 

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment