Kooxda Baarbe oo ku tumatay Maxamuud Mire

Thursday September 15, 2016 - 18:07:09
0 Comments
2992
Super Admin
Cayaartii labaad ee tartanka dhalinyarada kubada cagta ee maanta la dheelay ayaa waxaa ku hardamay kooxaha Baarbe iyo Maxamuud Mire waxaana cayaartaasi ay kusoo idlaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Baarbe.


Daqiiqadii 22-aad ee cayaarta qeybteedii hore ayaa waxaa gool heshay kooxda Baarbe waxaana u saxiixay Cabdulaahi Cabdi Ibraahim oo lambarka 7-aad u xirta kooxdan.


Intii aanay dhamaan qeybta hore ee cayaarta ayaa kooxdu sii adkeysatay hogaankeeda cayaarta wxaana goolka labaad u dhaliyay Zakariye Maxamed Maxamuud oo lambarka 3-aad ugu asteysan kooxda Baarbe daqiiqadii 40-aad ee cayaarta. Inttii ay cayaartu socotay ayaa cayaartoyda labada kooxoodba waxaa ay qaateen ganaaxyo sida hoos ku cad.

 

                                                                           Baarbe

Magaca

Lambarka

Daqiiqada

Ganaaxa

Zakariye Axmed maxamuud

3

45-aad

Jaale

 

                                                         Maxamuud Mire

Magaca

Lambarka

Daqiiqada

Ganaaxa

Kamaal Daahir Maxamed

8

31-aad

Jaale

Maxamed Axmed Cabdulqaadir

13

30-aad

Jaale

Ibraahim Maxamed Muxuyadiin

11

29-aad

Jaale

 

 

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com




Leave a comment