Wasaarada Isboortiga oo ka tacsiyeysay geeridii ku timid Marxuum Isoomareey

Tuesday August 19, 2014 - 01:00:08
0 Comments
15939
Super Admin
Wasaarada dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya ayaa umadda umada Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana bahweynta Isboortiga uga tacsiyeysay geeridii ku timid wakiilkii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga Marxuum Cabdulqaadir Xuseen Bootaan (Isoomareey) oo 18-kii bishan ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada London.


Guddoomiye ku xigeenkii Hore ee xiriirka kubada Koleyga Soomaaliya hadana ah la taliyaha wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Mudane Maxamed Xaaji Cali oo war saxaafadeed soo saaray isagoo ku hadlayay magaca wasiirka Isboortiga Soomaaliya ayaa sheegay in geerida ku timid Marxuum Isoomareey ay ka dhigan tahay in bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed uu ka baxay ruux laf dhabar ah oo muddo ka badan 50 sanadood kasoo shaqeeyay horumarinta Isbrootiga Soomaaliyeed.



"Aniga oo ku hadlaya magaca wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga Khaalid Cali Cumar iyo guud ahaan kan dowlada Soomaaliyeed waxaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerdiii naxdinta lahayd ee ku timid mid ka mida aabayaashii Isboortiga dalka Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir Xuseen Bootaan (Isoomareey)”ayuu qoraal uu soo saaray ku sheegay la taliyaha wasiirka Isboortiga Soomaaliya Mudane Maxamed Xaaji Cali.

Alleha u naxariistee meydka Ismoorareey oo ka mid ahaa odayaasha isboortiga dalka ayaa lagu wadaa in maalinta jicama ah ee tarriikhdu ku beegan tahay 22 August 2014 salaada Janaasada lagula dukado masjidka weyn ee Edmodon waqooyiga magaalada London.

Isla maalintaas ayaa marxuumka lagu aasi doonaa qabuuraha GARDENS OF PEACE MUSLIMS CEMETRY ciwaankuna waa: 57 Elmbridge Rd, Ilford IG6 3SW.

Boqolaal ka mida bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed ee UK iyo dalal kale oo ka mida yurub ayaa lagu wadaa in ay kasoo qeyb galaan aaska Alle ha u naxariistee marxuum isoo mareey.

Somali FootballFederation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment