Elman FC iyo Somali fruit oo lagu furayo Koobka G/ daa'uud

Saturday March 08, 2014 - 18:39:38
0 Comments
17408
Super Admin
Naadiga horyaalka dalka difaacanaya ee Elman FC iyo naadiga Somali Fruit ayaa la qorsheeyay in lagu furo tartanka Koobka General Daa'uud oo lagu wado in Maalinta Axada ah uu ka furmo garoonka Banaadir ee magaalada Muqdsiho, sida ku cad jadwalka tartanka ee maanta lagu dhawaaqay.


Jadwalka ayaa looga dhawaaqay shir xubnaha guddiga fulinta xiriirku maanta ku yeesheen Baarka Liido Sea Food Restaurant ee ku yaala xeebta loo dalxiis tago ee Liido.


Isagoo ka hadlayay kulanka guddiga fulinta ayaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble waxaa uu sheegay in tartankan taariikhiga ah ay ka qeyb geli doonaan 12 naadi oo loo qeybiyay 4 group, waxaana uu xusay in tartanku dhici doono maalmaha Axada iyo Arbacada.



"Maadaama ay howlo aadu fara badani na hor-yaaliin, isla markaana aanan heysan waqti badan ayaan go’aaminay in tartanka koobka General Daa’uud uu labadaa maalmood qabsoomo iyadoo horyaalka heerka 1-aad ee nation Link Telecom uu isna sii socon doono maalimihii la cayaari jiray, sababtoo ah waxaanu dooneynaa in qorshe sanadeedka aanu dajinay uu ku fulo sanadku inta aanu dhamaan ka hor”ayuu guddoomiye Cali Saciid Guuleed Rooble ka sheegay kulanka Guddiga fulinta ee maanta.


General Daa’ud Cabdulle Xersi waxaa uu ahaa aas aasihii ciidanka xooga dalka Soomaaliya waxaana aad uu aad u jeclaa kubada cagta isagoo ku dhintay magaalada Moscow ee dalka Ruushka sanadku markuu ahaa 1965-kii.


Hadaba Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu sanad kasta qabtaa tartanka Koobka General Daa’uud oo loogu talagalay in lagu xasuusto halyeygaas qaran ee Soomaaliyeed.


Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment