Pele "Robinho dhaqan xumo ayuu u horseeday ciyaartooyda Brazil"!!

Thursday September 04, 2008 - 14:39:14
1 Comments
13175
Shaafici Muxyidiin
Laacibkii Brazil Pele oo ka mid ah dadka wax laga weydiiyo dhacdooyinka K/cagta ayaa sheegay in inuu kanaxay qaabka fudud ee uu Robinho ugu biiray Manchester City

wuxuuna sheegay in Robinho aragtidiisa uu si qalad ah ugu biiray kooxda City, wuxuu intaa raaciyay Pele in dhaqanka madax adeyga iyo la tashi la'aanta ah aysan laheyn ciyaartooyda reer Brazil, laakiin uu Robinho billaabay dhaqan xumo xoog leh, taas oo sida uu sheegay ah in si aan la tashi laheyn uu ugu biiray kooxda Manchester City.

Waxaana aabaha K/cagta wadanka Brazil Pele uu yiri " Arrin dhaqan xumo ah oo aan laga fileynin ayuu sameeyay Robonho, wuxuuna u baahan yahay in si fiican loola taliyo, waxaana nasiib leh kooxda Chelsea oo ka bad baaday dhaqan xumadiisa".
Guddoomiyaha kooxda Santos  Marcelo Teixeira  iyo tababaraha kooxda Santos Jose Fernandos ayaa dhinaca kale si isku mid ah u sheeegay in Robinho uu ku xad-gudbay dhaqanka ciyaartooyda Brazil ee ah la tashiga iyo dhaga furnaata, iyagoo ku tilmaamay ciyaartooyd maskac caruureed ah.

Kooxda Manchester City ayaa Robinho ku soo iibsatay lacagtii ugu badneyd ee lagu soo gato ciyaartooyd ka ciyaara horyaalka Ingiriiska taas oo ah  32.5 Milyan oo Pound, waxaana Robinho oo laga sugayay maalin ka hor xiritaanka suuqa kala iibsiga ciyaartooyda uu si lama filaan ah u xirtay maaliyadda numberka 10-aad ee kooxda City.



Leave a comment