Banaadir oo Kala jebisay Elman

Tuesday November 12, 2013 - 01:18:50
0 Comments
14236
Super Admin
Cayaar lagu tilmaamay in ay ahayd tii ugu adkeyd uguna xamasada badneyd tan iyo intii uu bilowday horyaalka dalka Soomaaliya ee NationLink Telecom Championship ayaa galabta garoonka Banaadir ku dhex martay naadiyada kala ah Elman iyo Banaadir waxaana naadiga Banaadir u suura gashay inay si xarraga leh ugu tuntaan Elman oo hada difaacaneysa Horyaalnimada dalka.


Taageerayaasha labada naadi ayaa soo buux dhaafiyay garoonka qiyaastii 4 saacadood ka hor intii aanay cayaartu bilaaban, maadama labada naadi oo kala heysta Horyaalka iyo Koobka General Daa’ud ay ka mid yihiin naadiyada loo sadaalinayo in ay koobkan ku guleysan karaan.

Banaadir oo looga adkaaday cayaartii Supper Cup muddo usbuuc iminka laga joogo ayay wiilasheedu u muuqdeen in ay ka go’neyd maanta in ay guuleystaan. Naadiga Banaadir ayaa helay sadexda gool ka hor intii aanay dhamaan qeybtii hore ee cayaarta, waxaana taasi ay muujineysaa sida ay uga weerar badanaayeen kooxda kale. Waxaa qeybta hore ay ku dhamaatay 3-0 ay Banaadir hogaanka ku heysay.



Wiilasha Banaadir ayaa helay goolkoodii ugu horeeyay daqiiqadii 20-aad ee cayaarta qeybteeddii hore waxaana u saxiixay Marcel Samson Otugi oo u dhashay dalka Kenya kana mida cayaaryahano ajaanib ah oo sanadkan kusoo biiray horyaalka Soomaaliya.


Goolkii labaad waxaa Banaadir u dhaliyay cayaaryahanka la yiraahdo Cabdirisaaq Cali Maxamed daqiiqadii 36-aad ee cayaarta, halka goolka sadexaadna ay heleen daqiiqadii 45-aad waxaana u dhaliyay Caadil Cali Nuur.

Laakin naadiga Elman ayaa dhaliyay goolka keliya daqiiqadii 66-aad ee qeybta dambe ee cayaarta waxaana goolkaasi uu ahaa rigoore uu dhaliyay cayaaryahan Maxamed Nuur Cabdi.


Si kastaba ha ahaatee Naadiga Banaadir oo sadex cayaaryahan laga saaray garoonkana ku ahaa 8 ruux oo keliya ayaa guushani ay uga dhigan tahay mid weyn maadama iyagoo ilaa iyo 3 qof laga saaray ay hadana dhabarka dhulka u dhigeen nadiga horyaalka difaacanaya ee Elman. 
Kooxda Banaadir ayaa sanadkan lagu tilmaamay inay safka hore kaga jirto kooxaha ugu diyaar garowga xoogan tartankan.


Calaamadaha Jaalaha iyo Casaanka la siiyay cayartoyda tartanka ka qeyb galeysa waxaa laga heli karaa page-ka ay koox kasta ku leedahay websiteka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta
www.somsoccer.com/english iyo www.somsoccer.com/somali, waxaana qeybta sare ee websiteka xiriirka laga dooranayaa Clubs ama kooxaha kaddibna waxaa lasii dooranayaa hadba kooxdii aad ka rabto halkaa kuliis gareysan ee ka qeyb galaya horyaalka heerka 1-aad ee dalka


Sida ku cad jadwalka tartanka, barri oo Arboco ah waa la nasanayaa, hase ahataee maalinta khamiista ah ayaa waxaa is fara saari doona Heegan iyo Dekedda. Heegan waxaa ay cayartii furitaanka 3-2 kaga adkaatay Gaadiidka, halka Dekedda ay iyana Axadii 3-0 madaxa dhulka ugu dhigtay Horseed.


NB
: Hadii aad u baahan tahay sawirada cayaartii maanta waxaad sawiro dheeri ah ka heli kartaa wqeybta English-ka ee webka ama riix linkiga hoose.

http://somsoccer.com/english/articles/694/8-man-Banadir-knock-Elman-by-3-1




 

 Xafiiska warfaafinta Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment