City iyo Jazeera oo is mari waayay & Lido VS Global oo galabta balansan

Wednesday March 27, 2013 - 14:59:39
0 Comments
14064
Super Admin
Cayaar aad u adag oo ka mid ahayd tartanka xiddigaha kubad cagta ayaa waxaa shalay galab isaga hor yimid kooxaha ku cayaarayay magacyada hotelada kala ah City Palace hotel iyo Jazeera Palace hotel waxaana cayaartaas oo madax ka tirsan xiriirka ay daawashadeeda kasoo qeyb galeen daqiiqadihii loogu talagalay labada kooxood ay isla dhaafi waayeen bar bar dhac 1-1 ah.


Daqiiqadihii horaba cayaartu waxaa ay ku bilaabatay dar dar xoogan waxaana kooxda City Palace u suuragsahay in ay helaan goolka cayaarta lagu daahfuray kaasoo uu usaxiixay cayaaryahanka numberka-ka 11 u xirta kooxda Cabdi Naasir Cusmaan Jaamac daqiiadii 16-aad ee qeybta hore ee cayaarta.

Laakin daqiiqadii 46-aad ee cayaarta ayaa kooxda Jazeera Palace hotel ay heshay goolka bar-bar dhaca cayaarta looga dhigay kaas oo uu u dhaliyay cayaaryahanka kooxda number-ka 9-aad u xirta Daa’uud Cumar Cabdi waxaana cayaartu ay 90-kii daqiiqadood ee loogu talagalay kusoo dhamaatay bar bar dhac 1-1 ah.



Intii ay socotay cayaartii shalay ayaa qaar ka mida cayaartoyda labada kooxood la siiyay calaamadaha digniinta ee jaalaha loo yaqaano.

JAZERA PALACE HOTE FOOTBALL TEAM

Name

Number

Minute

Date

Caution

Ahmed Osman Abdulle

4

27th

26/ 03/2013

Yellow Card

Liibaan Muqtar Hassan

14

60th

26/ 03/2013

Yellow Card

CITY PALACE HOTEL FOOTBALL TEAM

Name

Number

Minute

Date

Caution

Jeylaani Abdullahi Mohamed

18

55th

26/ 03/2013

Yellow Card

Deeq Abdullahi Nur

10

77th

26/ 03/2013

Yellow Card






 

Dhanka kale waxaa cayaarta sadexaad ee tartanka galabta ku balansan kooxaha kala ah Lido Sea Food Restaurant oo ka hor tagi doonta kooxda Hotel Global. Labda maclin ayaa mid waliba sheegtay in uu cayaarta galabta dhibceheeda qaadan doono laakinse la arki doonee cida ay guushu ku raadco cayaartaas oo saacado yar kaddib bilaaban doonta.


By Cumar Ibraahim Cabdi Salaan

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment