Adebayor oo qalinka ku duugay heshiis uu ku joogayo Emirates.!!

Monday September 01, 2008 - 16:44:28
0 Comments
20590
Shaafici Muxyidiin
Weeraryahanka kooxda Arsenal Emmanuel Adebayor ayaa goor dhaweyd kooxda Arsenal u saxiixay heshiiis dheer oo aan la cayimin ...

kaas oo uu kula sii joogi doono kooxda Arsenal ee wadanka Ingiriiska, waxaana warkaas lagu cadeeyay boga Internetka ee kooxda Arsenal ee http://www.arsenal.com/

24-jirka wadanka Togo Adebayor oo ka mid ah weeraryahanada fara ku tiriska ah ee horyaalka Ingiriiska ayaa sida cad  go'aan ku gaaray inuu sii joogo kooxdiisa Arsenal, soona af-jaray hadal heyntii aheyd in midkood kooxaha AC Milan ama Barcelona uu ku biiro doono ka hor inta aan la xirin suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee qaaradda Yurub, waxaana uu hadda diyaar u yahay inuu mar kale ku raaxeysto horyaalka xiisaha badan ee wadanka Ingiriiska, waxaana  dhameystiraha kooxda Arsenal uu ka iftiimi doonaa safka hore ee kooxda Arsenal.

Adebayor oo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kooxdiisa Arsenal u dhaliyay 30 gool dhaammaan koobabkii kala duwanaa ee kooxdu ka qeyb qaadatay  uuna ku jiro goolkii ugu fiicnaa ee horyaalkii la soo dhaafay ee 2007-08 kaas oo uu ka dhaliyay Kooxda Tottenham ayay sharaf u tahay inuu ku nagaado kooxda Arsenal oo uu ka helay magac iyo tix-galin, waxaan sidaas oo kale Adebayor sanadkii la soo dhaafay oo ka mid noqday 11-ka ciyaartooyd ee ugu fiicnaa wadanka Ingiriiska.

Madaamaa midkood Arsenal iyo Adebayor aysan shaacin inta sano ee uu heshiiskan noqonayo ayaa ilo wareedyo muhiim ah waxay sheegayaan in kooxda Arsenal ay iibin karto ciyaaryahanka haddii ay ku hesho qiimo macquul ah oo ay raali ka wada noqon karaan, laakiin wixii ka horeeya fasaxaas uu noqon doono ciyaartooyd Arsenal ah, waxaana xilligan uu Adebayor ku mashquulsan yahay gar gaar uu u fidinayo ku dhawaad 40'000 oo qoys oo reer Togo ah oo musiibo rabbaani ah ay ku habsatay, kaddib markii ay dadkaas ay ka barakaceen dhulkoodii oo daadad xoog leh  ku soo fataheen.



Leave a comment