Muwaadin Soomaali ah oo si weyn uga dhex muuqanaya xulka qaranka Norway.

Tuesday May 12, 2009 - 20:48:09
0 Comments
13948
Shaafici Muxyidiin
Abdisalam Caddaay oo ku dhashay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, ee dalka Soomaaliya 1-dii bishii May ee sanadku markuu ahaa 1991-kii,waxaa uu hada nasiibkiisu u saamaxay in uu si buuxda uga mid noqdo xulka qaranka dalka Norway.


Abdisalam isagoo yar ayuu tegay dalka
Norway, isagoo u ciyaarayey koox yar oo la magac baxday FJELLHAMAR FK. Ina Caddaay isagoo 15jir ah ayaa loo magacaabay xulka qaranka da'da yar sanadka markuu ahaa 2006da. Abdisalam sanad ka dib waxaa soo iibsatay kooxda adduunka ugu lacagta badan ee MANCHESTER CITY FC. Bishii hore dhamaadkeeda ayuu ka ciyaaray garoonka weyn ay leedahay kooxda Arsenal e EMIRATES STADIUM, halkaasi oo looga badiyey.

 

Bishan bilawgeeda ayuu ciyaartii labaad ee Arsenal kula ciyaaray garoonka weyn ee Manchester City Stadium halkaasi oo uu ka dhaliyey goolkii barbardhaca ee kooxdiisa ay heshay.

8da bishan May ayaa loo magacabay Abdisalam Abdulkadir Caddaay xulka qaranka dalka Norway ee 19jirada. Xulka ayaa ku ciyaari is reebreebka cayaaraha yurub, dalka Fransiska taariikhda marka ay tahay 18ka ilaa 24ka bishan.

Abdisalam waa wiil da'diisu ay aad u yar tahay intii uu xulka qaranka
Norway ku jiray wuxuu u ciyaaray 25 ciyaarood, halka uu xulkiisa u dhaliyey 5gool.

 

Ina Caddaay wuxuu ka ciyaaraa khadka dhexe, sanadkan wuxuu wacdaro ka muujiyey cayaaraha dalka ingiriiska ka dhaca ee akadeemiga iyo reserve-ka Manchester city fc, isagoo u saxiixay 8 gool kooxdiisa.

Abdisalaam Caddaay oo ka dhashay qoys sport ayaa walaalkiisa ka weyn sanadkii tegay u ciyaaryey xulka qaranka soomaaliya, waa Abdirashid Abdulqadir Caddaay. Aabaha dhalay Abdisalam waa Abdulkadir Ibrahim Cadaay wuxuu ahaa garsoore Caalami ee FIFA, ilaa iyo haddana wuxuu ka shaqeeyaa horumarka caruurta yar yar iyo sidii ay ugu soo biiri lahaayeen sportiga caalamka.

haddii aad taqaan afka Norwegian-ka magacaabidda Abdisalam Caddaay ka aqriso adiga oo click siinaya linkigan hoose.

 

http://www.fotball.no/t2.aspx?p=53176&cat=51835&x=1&a=249513

 

 

Somalifootball Media department

 

Email: somalifootballmedia@gmail.com

 

Cell: +25250 969815

 

Office: +2521 220176

 



Leave a comment