Xulka Wararka

Macalin Soomaaliyeed oo wacdare ka dhigay tababar caalami ah oo ka dhacay dalka Jarmalka

0 Visits: 1453 | Saturday May 22, 2010 - 12:07:29
Macalinka kooxda Beach soccer-ka Soomaaliyeed ee dalka Switzerland Axmed Maxamed Axmed (Gaab) ayaa wacdare weyn ka muujiyay tababar caalami ah oo ka dhacay dalka Jarmalka ayna ka qeyb galeen macalimiin si weyn caalamka looga yaqaano.

Read More »

Xiriirka kubada cagta oo qabtay munaasabad lagusoo gabagabeynayay horyaalkii kubada cagta ee dhawaan dhamaaday.

0 Visits: 1287 | Tuesday May 18, 2010 - 06:31:54
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu hotelka saxafi ee magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabad aad u weyn oo lagu maamuusayay gabagabada horyaalkii kubada cagta dalka soomaaliya ee dhawaan idlaaday.

Read More »

Gudoomiyaha Xiriirka Mudane Siciid oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada 15-ka May

0 Visits: 1201 | Tuesday May 18, 2010 - 03:45:24
Iyadoo todobaadkan Soomaaliya laga xusay munaasabada 15-ka May oo ah sanad guuradii 67-aad ee kazoo wareegatay markii dhidibada loo tagay ururkii SYL, oo ahaa urur dhalinyaro oo dhaliyay gobanimada maanta aanu heysano, ayaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur…

Read More »

Xulka qaran ka da’yarta oo dalka dib ugusoo laabtay

0 Visits: 1416 | Tuesday April 27, 2010 - 13:44:09
Xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ee da'doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay iyagoo kasoo amba baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana garoonka diyaaradaha loogu qabtay munaasabad soo dhaweyn heer qaran ah.

Read More »

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo casho sharaf sagootin ah u sameeyay xulka qaranka

0 Visits: 1164 | Monday April 26, 2010 - 22:51:55
Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa caawa munaasabad casho sharaf ah oo sagootin ah u sameeyay xulka qaranka kubada cagta da'doodu ka yartahay 17-ka sano oo barri usoo amba baxaya dalka.

Read More »

Xiriirka kubada cagta oo amaan u jeediyay safiirka soomaaliya ee Kenya

0 Visits: 1190 | Monday April 26, 2010 - 16:11:33
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn amaan ugusoo jeediyay safiirka soomaaliya ee dalka Kenya iyo guud ahaan shaqaalaha safaarada oo uu xiriirku sheegay in ay kaalin lama ilaawaan ah ka qaateen dhiiri gelinta xulka qaranka da'doodu ka yartahay 17-ka sano oo todobaadkan Kenya ka reebay…

Read More »

Xulka qaranka oo soo dhaweyn heer qaran ah loo diyaarinayo.

0 Visits: 1219 | Monday April 26, 2010 - 14:48:26
Wasiiro ka tirsan dowlada Soomaaliya, mudanayaal baarlamaan iyo dad weyne aad u farabadan ayaa ka qeyb qaadan doona soo dhaweynta xulka qaranka kubada cagta dad'oodu ka yartahay 17-ka sano oo lagu wado maalinta Salaasada ah in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho iyagoo ka imaanaya dalka Kenya oo ay dhigooda…

Read More »

Kabtanka Qaranka U 17-ka Aabihiis oo caawa hoobiye Muqdisho ku dilay (Xiriirka oo tacsi diraya)

0 Visits: 1162 | Monday April 19, 2010 - 21:44:54
Mauuliyiinta iyo dhamaan xubhana Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa iyaga oo ka tiiraanyeysan waxaa ay tacsi u dirayaan Kabtanka xulka qaranka Under 17-ka Maxamed Xaashi Siyaad oo aabihiis Marxuum Xaashi siyaad uu caawa madfac ku dilay magaalada Muqdisho.

Read More »

Xogahaye C/qani “Tababarkii Heer caalami ee loo qabtay macalimiinta K/cagta natiijo wanaagsan ayuu keenay”

0 Visits: 1206 | Friday April 16, 2010 - 11:35:05
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shaaca ka qaaday in tababarkii Heer caalami ee dabayaaqadii sanadkii tagay macalimiinta kubada cagta Soomaaliya loogu qabtay dalka Jabuuti uu wax weyn kusoo kordhiyay dhaq dhaqaaqa kubada cagta Soomaaliyeed.

Read More »

Gudoomiyaha K/Cagta Soomaaliya oo Blater ugu Magac daray “Bad baadiyaha” kubada cagta Soomaaliyeed

0 Visits: 1066 | Wednesday April 14, 2010 - 12:22:11
Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa guddoomiyaha xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA Joseph S. Blatter waxaa uu ugu magac daray "Bad baadiyaha" Kubada cagta Soomaaliyeed oo hada u muuqata in ay horumar ku sii talaabsaneyso.

Read More »