Xiriirka kubada cagta Qaarada Afrika ee CAF ayaa usoo wakiishay agaasimaha xafiiska warfaafinta xiriirka kubada cagta Soomaaliya Shaafici Islow in uu muxaadiro u jeediyo madaxda warfaafinta xiriirada kubada cagta 54-ta dal ee Afrika marka ay isugu yimaadaan kulan ka dhacaya dalka Cameroon dabayqaada…
Sida caadiga ah tartanka dhalinyarada oo maalmaha khamiista iyo Jimcaha la dheelo lana qabto laba cayaarood ayaa cayaartii hore ee maanta oo jimco ah waxaa ay dhex martay kooxaha Banadir Zone iyo Raage Ugaas waxaana kooxda Banadir Zone ay ku adkaatay 3-0.
Cayaartii labaad ee tartanka dhalinyarada kubada cagta ee maanta la dheelay ayaa waxaa ku hardamay kooxaha Baarbe iyo Maxamuud Mire waxaana cayaartaasi ay kusoo idlaatay 2-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Baarbe.