Xulka Wararka

Liido oo ku guuleysatay tartankii xiddigaha

0 Visits: 2134 | Friday April 12, 2013 - 14:02:00
Baarka weyn ee Liido Sea Food ayaa ku guuleystay tartanka xiddigaha kubada cagta dalka kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen kooxda kasoo hor jeeday ee SingJet cayaar shalay ka dhacday garoonka jaamacadaha ee magaalada Muqdisho.

Read More »

City iyo Jazeera oo is mari waayay & Lido VS Global oo galabta balansan

0 Visits: 12091 | Wednesday March 27, 2013 - 14:59:39
Cayaar aad u adag oo ka mid ahayd tartanka xiddigaha kubad cagta ayaa waxaa shalay galab isaga hor yimid kooxaha ku cayaarayay magacyada hotelada kala ah City Palace hotel iyo Jazeera Palace hotel waxaana cayaartaas oo madax ka tirsan xiriirka ay daawashadeeda kasoo qeyb galeen daqiiqadihii loogu talagalay…

Read More »

Nation Link E-maal oo 3-2 kaga adkaatay Singjet

0 Visits: 1588 | Tuesday March 26, 2013 - 00:51:54
Xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ayaa maanta furay tartanka xiddigaha kubada cagta dalka iyadoo cayaartii furitaankana ay kooxda ku cayaareysay magaca E-maal Nation Link oo ah barnaamij lacagaha la isugu xawilo teleefonka teleefonka dhexdiisa ay 3-2 kaga adkaatay kooxda ku cayaareysay magaca shirkada…

Read More »

Tartanka xiddigaha k/cagta oo la shaaciyay xiliga la qabanayo

0 Visits: 1611 | Saturday March 16, 2013 - 12:33:06
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shaaciyay xilliga la qabanayo tartanka xiddigaha kubada cagta Soomaaliya kaas oo looga dhawaaqay shir saaka ka dhacay xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee magaalada Muqdisho.

Read More »

FIFA oo tababar u furtay garsooreyaal Soomaaliyeed

0 Visits: 1949 | Sunday March 03, 2013 - 17:35:20
Tababar dhinaca garsoorka ah noociisuna yahay FIFA MA ayaa maanta magaalada Jabuuti uga furmay 28 garsoore oo ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, waxaana tababarkani uu qeyb ka yahay dadaal si wada jir ah ay u sameynayaan ururka kubada cagta aduunka ee FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed ee…

Read More »

Garsooreyaal tababar caalami ah loo qaaday

0 Visits: 1311 | Friday March 01, 2013 - 19:25:49
Garsooreryaal ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo isugu jira heer caalami iyo heer qaran ayaa maanta oo jimco ah gaaray magaalada jabuuti halkaas oo uu ka dhici doopno tatabar FIFA u qabaneyso garsooreyaasha Soomaaliyeed kaas oo noociisuna yahay FIFA MA course.

Read More »

Madaxa waxbarashada oo ka hadlay tababar FIFA u qabaneyso garsooreyaasha Soomaaliya

0 Visits: 1355 | Saturday February 23, 2013 - 10:12:23
Iyadoo Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso tababarka sanadlaha ah ee (FIFA MA course) laguna wado in uu horaanta bisha soo socota ka furmo dalka Jabuuti ayaa madaxa xafiiska wax barashada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Maxamed Axmed oo xarunta SFF maanta war saxaafadeed kasoo saaray waxaa…

Read More »

CAF oo amaantay horumarka K/Cagta Jabuuti

1 Visits: 2949 | Saturday February 23, 2013 - 02:54:16
Guddoomiyaha xidhiidka kubadda cagta ee dalka Djibouti Mudane Suleiman Hassan Waberi oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga xarunta guud ee xidhiidhka kubadda cagta Africa ee magaalada Qahira ayaa maanta 22/2/2012 la kulmay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee qaarada africa (CAF) Mr. Isse Hayatou…

Read More »

Shabakada SFF oo noqotay tan ugu casrisan Africa

0 Visits: 1577 | Saturday February 23, 2013 - 06:50:57
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa dib u casriyeeyay shabakadiisa wararka ee www.somsoccer.com taas oo loo sameeyay qaab si weyn u shaabaha kan ururka kubada cagta aduunka ee FIFA oo Soomaaliya ay xubin buuxda ka tahay.

Read More »

Garsooreyaasha Soomaaliya oo u diyaar garoobaya Tababar Heer FIFA ah

0 Visits: 1432 | Monday February 11, 2013 - 00:33:20
Garsooreyaasha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa wada diyaar garow aad u xoogan oo ay ugu diyaar garoobayaan tababar heer caalami ah oo ay bixineyso FIFA. Tababarkaas ayaa ka dhici doona dalka Jabuuti bisha maarso ee inasoo aadan , sida war saxaafadeed uu caawa xafiiskiisa kasoo saaray uu ku…

Read More »