Isku aadka Horyaalka Xiddigaha oo lasoo saaray

Wednesday May 30, 2018 - 19:00:41
0 Comments
2486
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cata ayaa soo saaray isku aadka horyaalka xiddigaha oo ah tartan cusub oo lagusoo kordhiyay tartamada dalka. Tartankan ayaa furmi doona bisha July ee sanadkan.


Sida lagu ansixiyay shir sanadeedkii xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ee dhacay 31-kii December 2017 waxaa horyaalka xiddigaha uu noqon doonaa tartan sanadle ah oo ay ku tartamayaan lixda naadi ee ugu dhibcaha badan horyaalka ugu sareeya dalka.


"Bilaabida tartankan waxay qeyb ka tahay istaraatiiniyada cusub ee xiriirka oo lagu kordhinayo tirada tartamada aanu qabano sanad kastaā€¯sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdiqani Saciid Carab



Sida ku cad jadwalka maanta lasoo saaray waxaa tartanka horyaalka xiddigaha uu furmi doonaa 20-ka bisha July 2018, waxaana cayaaraha oo dhan ay ka dhici doonaan garoonka Stadium Banaadir. Kooxda ku guuleysata tartankan ayaa waxaa ay heli doontaa koob iyo abaal marin lacageed oo dhan 5-kun oo doolarka Mareykanka ah.



   Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com

Leave a comment