Waxaa ay wasiiraddu sheegtay
in dhulkaas banaan uu yahay booskii loogu tala galay xiriirka Soomaaliyeed ee
kubada Cagta oo xaruntiisana dhawaan dhismeheedu halkaa ka bilaaban doono insha
Allah
"Xiriirka kubada Cagtu shaqo
muhiim ah ayuu dalka ka hayaa, waxaa ay muddo dheer ku shaqeynayeen xarun ay
kiro ku dagan yihiin, waxaanse ku faraxsanahay in dhawaan uu xiriirka
Soomaaliyeed dagi doono xarun uu leeyahay”ayay saxaafada u sheegtay wasiirada Isboortiga
dalka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.
"Waxaa nasoo jiitay shaqada
weyn oo uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagtu qabanayo. Wax badan ayay ku
guuleysteen in ay dalka ka hir geliyaan waxaana go’aan ku gaarnay in aan gacan
weyn siino intii karaankeena ah, anigana ka wasiir ahaan waxaa si weyn iiga go’an
in aan garab istaago xiriirka”ayay hadalkeeda sii raacisay waasiiradu.
"Waa cusub ayaa u baryay
Soomaalia, dalku horay ayuu u socdaa, dib u noqosho dambena ma jirto,
horumarkuna wuu sii soconayaa. Soomaaliya way soo laabatay xiriirka
Soomaaliyeed ee kubada cagtuna kaalin muuqata ayuu ku leeyahay dib usoo
kabsashada dalka”ayay saxaafada u sheegtay wasiirada Isboortiga dalka
Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.
Somali Football Federation Media Department
Email:info@somsoccer.com
Wasaarada Isboortiga oo dhul ugu deeqday Xiriirka Kubada Cagta
Wasiiradda Isboortiga Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya wasaaraddeeda isboortigu ay dhul ugu deeqday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta.