Duqa Magaalada Muqdisho oo furay Tartanka General Daa'uud 2017

Friday September 15, 2017 - 19:09:16
0 Comments
2508
Super Admin
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdsiho Thaabid Cabdi maxamed ayaa maanta furay tartanka Koobka General Daa'uud 2017, iyadoo kooxda Muqdisho FC ay 3-1 kaga adkaatay Gaadiidka cayaartii furitaanka.


Waxay Kooxda Muqdisho FC u ahayad bilow aad u wanaagsan maadaama ay garaacday Naadiga Gaadiidka oo ka tirsan horyaalka Heerka 1-aad ee dalka. Cayaartii furitaanka tartankan oo ah kan labaad ee ugu shacbiyada badan dalka Soomaaliya ayaa waxaa daawashadeeda kasoo qeyb galay masuuliyiin darajo sare leh oo ay ka mid yihiin Taliyaha xooga dalka Soomaaliya General Axmed Maxamed Jimcaale, guddoomiyaha Gobalka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdiqani Saciid Carab iyo masuuliyiin kale.



Isagoo ka hadlaya munaasabadii furitaanka ayaa guddoomiye Cabdiqani Waxaa uu amaan balaaran usoo jeediyay duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo uu sheegay in uu yahay masuul ay si weyn uga go’antahay in uu gacan siiyo horumarinta kubada cagta dalka.


"Duqa magaaladu waa nin dhalinyaro ah oo jecel kubada cagta mar kastana diyaar u ah in uu gacan nagu siiyo horumarinta kubada cagta”sidaasi waxaa munaasabada furitaanka ka sheegay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdiqani Saciid Carab. "Waxaan sidoo kale jeclahay in aan halkan uga mahad celiyo taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliya General Axmed Maxamed Jimcaale taageerada buuxda ee uu siiyay tartankan.


"Tartanka General Daa’uud waxaa sadexdii sano ee lasoo dhaafay kharashka ku baxa oo dhan bixinayay taliska sare ee xooga dalka, waxaana Taliye Jimcaale uu noo balan qaaday in maalgelinta tartankan ay sii wadi doonaan”ayuu yiri guddoomiye cabdiqani Saciid Carab, ka hor intii aanu cod baahiyaha kusoo dhaweyn taliyaha xooga dalka.


Taliyaha xooga dalka ayaa sheegay in tartankan la siiyay magaca General Daa’uud, iyadoo ujeedadu tahay in lasii wado xusuustiisa sanad kasta dhalinyaradana looga sheekeeyo waxqabadkii aabihii xooga dalka Soomaaliya.


"Waxaa uu ahaa aabaha xooga dalka, waxaa uu ahaa aas aasihii ciidanka xooga oo aad ogtihiin awooda ay ku lahaayeen qaarada Afrika. Wuxuu ahaa udub dhexaadka qaranimada Soomaaliya iyo jiritaanka Xooga dalka Soomaaliyeed”ayuu yiri taliyaha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.


Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in lagu casuumo furitaanka tartankan taariikhda weyn u leh umada Soomaaliyeed.


"Sharaf weyn ayay ii tahay in laygu casuumo in aan furo tartanka General Daa’uud 2017”ayuu yiri guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ka hor intii aanu usoo daadagin gudaha garoonka isagoo kaddibna laaday kubadii ugu horeysay ee tartankan.


Maanta waxaa la dheelay laba cayaarood, waxaana cayaartii hore oo ka dhacday garoonka Banaadir ay FC Muqdisho 3-1 kaga adkaatay kooxda horyaalka heerka 1-aad ee dalka Gaadiidka FC, halka cayaartii kalana ay FC Banaadir 1-0 ku dhufatay Midnimo.


General Daa’uud Cabdulle Xersi waxaa uu ku dhashay deegaanka Mareeg ee gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1919-kii, waxana uu ku guuleystay in uu aas aaso ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed 12-kii April 1960, ku dhawaad 3 bilood ka hor intii aan gobanimada la qaaday 1-dii July 1060-kii.


Waxaa uu ku geeriyooday magaalada Moscow ee dalka Ruushka sanadku markuu ahaa 1965-kii. Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu qabashada tartanka General Daa’uud soo bilaabay sanadkii 1972-kii iyadoo wixii xilligaa ka dambeeyayna la qabto sanad kasta, si loogu xasuusto aabihii xooga dalka Soomaaliya Alle ha u naxariistee General Daa’uud Cabdulle Xersi.



Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com



Leave a comment