Africa oo howl muhiim ah usoo magacawday Shaafici Islow

Wednesday December 24, 2014 - 18:20:53
0 Comments
3774
Super Admin
Dhowr maalmood kaddib markii ururka Kubada Cagta qaarada Afrika ee CAF uu u aqoonsaday Shaafici Muxuyadiin (ISLOW) kaalinta 1-aad agaasimeyaasha warfaafinta 54-ta dal ee xubnaha ka ah ururka Caf, ayaa xoghayaha guud ee CAF mudane Hicham El Amrani wuxuu Shaafici usoo magacaabay Tifaftiraha qeybta Englishka ee CAF ee tartanka 2015 Afican Cup of Nations Under 20.


Shaafici ayaa magiciisu ku xusan yahay numberka 42-aad ee liiska lasoo saaray maanta ee saraakiisha CAF ee ka masuulka ah tartanka African cup of Nations under 20 sanadka 2015-ka waxaana uu noqonaya qofkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo xiriirka kubada cagta Afrika uu tifaftire usoo magacaabo.


Liiska saraakiisha CAF soo magacawday ayaa waxaa sidoo kale Soomaaliya ugu jira guddoomiyaha xiririirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdiqani Saciid Carab oo isagu horay uga tirsanaa guddiga qaban qaabada ee CAF laakin arrinta cusub ayaa waxaa ay tahay magacaabista Shaafici Islow ee tifaftiraha qeybta Afka ingiriiska ee ururka CAF.



Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa Shaafici ugu hambalyeeyay xilka muhiimka ah ee ururka kubada cagta Afrika usoo magacaabay.


"Waa guul taariikhi ah oo usoo hoyatay guud ahaan umada Soomaaliyeed gaar ahaana bahweynta kubada cagta Soomaaliya, waxaana Shaafici kula dar daarmayaa inuu dadaalkiisa halkaa kasii wado, anigoo ku rajo weyn in masuuliyad intaa ka balaaran uu ka heli doono kubada cagta aduunkaā€¯ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdiqani Saiciid Carab.


Dhawaan ayay ahayd marikii ururka CAF uu Shaafici ku amaanay howsha uu ka hayo Soomaaliya iyo Jabuuti intii uu socday aqoon is weydaarsi dalka Cameroon loogu qabtay madaxda warfaafinta xiriirrada kubada cagta Afrika oo masuulkan Soomaaliya matalayay la siiyay kaalinta 1-aad, taasoo sumcad iyo sharaf weyn u ahayd dalka iyo dadka Soomaaliyeed.


By: Cumar Ibraahim Cabdisalaam

Somali Football Federation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment