UAFA iyo Soomaaliya oo Wada Shaqeyn ku balamay

Saturday November 22, 2014 - 06:30:24
0 Comments
3274
Super Admin
Madaxweynaha la doortay ee Midowga xiriirada kubada cagta ee wadamada carabta, (UAFA), Turki Bin Khalid Bin Faisal Al Saud, ayaa ku dhawaaqay marxalad cusub oo ku aadan wada shaqeyn uu la sameynayo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.


Hoggaamiyaha midoowga Carabta ee kubadda cagta ayaa hadalkan ku dhawaqay kaddib kulan muddo kooban socday oo uu la yeeshay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carad.


Labada masuul ayaa isku arkay magaalada Riyaad kaddib markii uu soo dhamaaday shirweynihii doorashada ee ururka UAFA oo xalay lagusoo gabagabeeyay magaalada Riyaadh.



Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carab, ayaa u hambalyeeyay mudane Turki Bin Khalid Bin Faisal Al Saud oo ururka kubada cagta ee wadamada carabta maamuli doona 4-ta sano ee soo socota.


"Madaxweynuhu waxa uu muujiyay sida uu ugu farasxsan yahay ka muuqashada Soomaaliya ee kulamada caalamiga, gaar ahaana kulanka Carabta”ayuu yiri Madaxweynaha kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab oo warbaahinta la hadlay.


Madaxweynaha la doortay ee kubadda cagta Carabta mudane Turki Bin Khalid Bin Faisal Al Saud, ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsan yahay is badalka xaga maamulka kubada cagta ah ee dhawaan ka dhacay Soomaaliya halkaas oo guddoomiye loogu doortay xoghayihii mudada dheer soo shaqeynayay Cabdiqani Saciid Carab.

 

 





W/D: Maxamed Shuuriye Nuur (Barakaat)

 

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment