Guddoomiyaha XSKC oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada Ciida

Friday October 03, 2014 - 23:12:38
0 Comments
2869
Super Admin
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Mudane Cabdiqani Saciid Carab ayaa umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada ciidul Adxa oo ka mida labada ciidood ee ugu waaweyn Islaamka sanad kastana caalamka oo dhan looga dabaal dego.


Dhambaalka guddoomiyaha ee hambalyada xambaarsan oo ay sii deysay waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta saacado uun ka hor bilashada munaasabada ciida oo ku beegan subaxda Sabtida ah ayaa Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab waxaa uu umadda Soomaaliyeed ee gudaha iyo caalamka daafihiisa ku kala sugan u rajeeyay ciid barwaaqo iyo farxad xambaarsan.


"Aniga oo ku hadlaya magaca bah-weynta kubadda cagta Soomaaliya, waxaan jeclahay in aan fursadan uga faa’iideysto hambalyo aan udiro umaddeyda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan si aan ula qeybsado farxadda maalintan”ayuu dhambaalkiisa ku yiri guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab.



"Munaasabadda ciidan barakeysan awgeed waxaan Allah ka baryayaa in uu umada Soomaaliyeed ka dul qaado dhibaatada dalkana nooga dhigo nabad iyo barwaaqo”ayuu guddoomiyuhu ku yiri dhambaalkiisa hambalyada ah.


"Kor ha ahaato kubada cagta Soomaaliya, dhamaanteena aan ku wada rajo weynaano horumar ballaaran oo kubada cagta Soomaaliya ay gaarto”ayuu guddoomiyuhu kusoo gabagabeeyay dhambaalkiisa hambalyada ciida.


Somali Football Federation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com


Leave a comment