Cabdiqani Carab oo loo doortay guddoomiyaha Xiriirka

Sunday August 31, 2014 - 13:26:45
0 Comments
3378
Super Admin
Cabdiqani Saciid Caraboo muddo dheer xoghaye guud kasoo ahaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta si aqlabiyad balaaran ah logu doortay in uu noqdo guddoomiyaha xiriirka doorasho ka dhacday magaalada caasimada ah ee Muqdsiho.


Mudane Carab ayaa waxaa xilka guddomiyenimada kula tartamayay guddoomiyihii hore Cali Saciid Guuleed Rooble oo laakin  shirweynaha u sheegay in uu iska casilay tartanka, wax yar uun ka hor intii aanu wareega labaad ee codbixintu bilaaban, waxaana sidaa kusoo haray hal murashax oo dhamaan 28-kii cod ee goobta laga dhiibtay helay sidaana ku noqday guddoomiyaha xiriirka 4-ta sano ee soo socota sida guddiga doorashadu uu ku dhawaaqay.

25-ka naadi ee xiriirka u diiwaan gashan, ururka garsoorka, ururka macalimiinta iyo ururka ciyaartoyda ayaa dhamaan u codeeyay guddoomiyaha cusub.



Hada waxaa socota u codeynta labada guddoomiye ku xigeen, iyadoo kaddibna loo codeyn doono xubnaha guddiga fulinta.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinlasoo socodsiin doonaa.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment