Garsooreyaal da'yar ah oo tababar loogusoo xiray Jabuuti

Friday August 29, 2014 - 00:07:38
0 Comments
6681
Super Admin
Talaabo qeyb ka ahayd meel marinta siyaasadaha FIFA iyo CAF ee ku aadan horumarinta iyo sare uqaadista tirada iyo tayada garsooreyaasha kubada cagta qaarada Afrika ayaa xiriirka kubada cagta Jabuuti waxaa uu tababar muddo todobaad ah soconayay usoo xiray 15 garsoore oo da'yar oo labo ka mid ah ay gabdho ahaayeen.


Garsooreyaashan oo da’doodu u dhexeyso 21-24 sanadood ayaa shahaadooyinkooda lagu guddoonsiyay xaflad lagu qabtay xarunta farsamada xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin darajo sare leh oo dhinaca kubada cagta ah.


Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi oo khudbad ka jeediyay xiritaankii tababarkan ayaa sheegay in garsooreyaashan lagasoo xulay garsooreyaal 50-meyo ka badnaa oo hore seminaaro u aatay, waxaana uu ka dhawaajiyay in garsooreyaashani ay qaadan doonaan tababaro dheeri ah oo 6-dii biloodba mar dhici doona.



"Tababarkani waxaa uu qeyb ka yahay barnaamij horumarineed oo muddo dheer socon doona kaasoo loogu talagalay in lagu tababaro laguna horumariyo garsooreyaasha da’da yar, waxaana mudada aan hogaanka heyno naga go’an in aan barnaamijkaas guul ku dhameyno”ayuu yiri guddoomiye Suleyman Xasan waaberi oo munaasabadii xiritaanka ka hadlay.


Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in sida ku cad qorshe howleedkooda ay rajeynayaan in labada sanadood ee soo socota ay tababaraan ugu yaraan 100 garsoore oo da’ yar ah .


Tababarkan oo socday muddo todobaad ah ayaa waxaa bixinayay macalimiinta kala ah: Xasan Moussa Rirach, Aden Robleh Rayaleh iyo Maxamed Xuseen Cali, waxaana dhinaca kale bixinta casharada qeyb weyn ku lahaa guddoomiye Suleymaan oo ah khabiir dhinaca garsoorka iyo xeer ilaaliye ka tirsan ururka FIFA.


Somali Football federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment