Saadaq oo la sii daayay

Saturday April 12, 2014 - 01:23:27
0 Comments
2736
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn usoo dhaweeyay sii deyntii ay ciidamada Kenya xabsiga kasii daayeen cayaaryahan ka tirsan xulka qaranka Soomaaliya ee da'doodu ka yartahay 20-ka sano kaasoo la sii daayay xalay kaddib muddo laba habeen ah oo uu xirnaa.


Sii deynta shuruud la’aanta ah ayaa timid kaddib dadaal is daba joog ah oo socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay si loo xaqiijiyo sii deynta cayaaryahanka qaranka.

Weeraryahanka xulka Qaranka Saadaq Cabdul Qaadir Maxamuud oo sidoo kalana u cayaara kooxda heerka 1-aad ee dalka Kenya ee la yirahado AFC Leopards ayaa la qabtay xili habeenkii Arbacada uu ka baxay hoygiisa si uu usoo daawado cayaar ka tirsan horyaalka kooxaha Yurub (European champions League) ee dhex mareysay Atletico Madrid iyo Barcelona, hase ahaatee ciidamada ayaa dhex u galay kaddibna xiray.



"Waxaan ka rajeyneynaa maasuuliyiinta dalka Kenya inay xushmeeyaan cayaartoyda caalamiga ah ee dalkooda ka dheela gaar ahaana kuwa Soomaalida oo si gaar ah masuuliyadoodu anaga noo saaran tahay”ayuu war saxaafadeed uu xalay soos saaray ku sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab isagoona soo dhaweeyay sii deynta cayaaryahanka.

Waxaa xoghayaha guud uu uga mahad celiyay ciidamada Kenya sida wanaagsan oo ay ula dhaqmeen cayaaryahanka mudadii ay heysteen inkastoo uu sheegay in xiritaankiisu uu ahaa talaabo aad u qaldan.

Goor sii horeysay jimcihii ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in aanu aqbali kareynin in cayarayahankaasi uu habeen sadexaad kusii baryo xabsiga, waxaana xiriirka Soomaaliyeed uu qoraalo ashtako ah oo ka dhan ah dowlada Kenya u kala diray ururka kubada Cagta aduunka ee FIFA, kan qaarada Afrika ee CAF iyo kan bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA si cadaadis loogu saaro dowlada Kenya in cayaaryahanku aanu habeen sadexaad xabsiga ku baryin.

Dhanka kale cayaaryahan Saadaq Cabdul Qaadir Maxamuud oo la hadlay xafiiska warfaafinta CECAFA ayaa ka war bixiyay waayihiisii xabsiga waxaana uu sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay kadib markii uu ciidamada u sheegay in uu yahay cayaaryahan kubada cagta oo caalami ah kana tirsan xulka qaranka Soomaaliya.

"Ka sokow in aan ahaa nin xabsi ku jira, hadana waxaa runtii ahaantii aan kuu sheegi karaa in ciidamada amaanku qadarin weyn ii muujiyeen, ugu dambeyntiina gaari qaas ah ayay igusoo qadeen oo gurigeyga igu keeneen”ayuu yiri cayaaryahan Saadaq oo intaa raaciyay in uu caafimaad ahaan wanaagsan yahay.

Cayaaryahanka ayaa xafiiska warfaafinta CECAFA la hadlay wax yar kaddib markii xalay gurigiisa uu si nabad ah ugusoo laabtay.


Somali Football Federation Media Department
Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment