Xiriirka oo Kenya ka dalbaday inay sii deyso Cayaaryahan Qaran Saadaq

Thursday April 10, 2014 - 19:44:01
0 Comments
3181
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa ugu baaqay dowlada Kenya inay si deg eg ah oo shuruud la'aan ah u sii deyso mid ka mida cayaartoyda xulka qaranka ah da'doodu ka yartahay 20-ka sano ee dalka Soomaaliya oo lagu xiray magaalada Nairobi.


Weeraryahanka xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxda AFC Leopards ee dalka Kenya Saadaq Cabdul Qaadir Maxamuud ayaa gacanta u galay booliska Kenya xili uu ka baxay hoygiisa si uu usoo daawado cayaartii Champions League ee dhex martay Atletico Madrid iyo Barcelona todobaadkan.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si daran u cambaareeyay xariga cayaaryahankan ka tirsan xulka qaranka dalka Soomaaliya waxaana uu xiriirku dalbaday in dowlada Kenya ay sii deyso si deg deg ah oo shuruud la’aan ah.



"Guud ahaan aad ayaan uga xunahay dhibka Kenya loogu geysanayo shacabka Soomaaliyeed waxaase si gaar ah noo sii taabanaya xariga lagula kacay cayaaryahan Saadaq”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Cabdi Qani Saciid Carab maanta.

"Saadaq waa nin caan ah oo dalka Kenya oo dhan laga yaqaano, waxaa uu ka dheelaa horyaalka ugu weyn dalkaas walibana waxaa uu ka tirsan yahay mid ka mida kooxaha ugu taageerada badan dalka Kenya kuna dhameysatay  kaalinta labaad kala horeynat horyaalka Kenya xilli cayaareedkii lasoo dhaafay, booliska waxaa waajib ku ah qof sidaas u cana ah inay aqoonsadaan”ayuu xoghayaha guud ku sheegay war saxaafadeedkiisa.

Xoghaye Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliyeed aanu u dul qaadan doonin in Cayaaryahan Saadaq uu xabsiga ku sii jiro, iyadoo waliba uu ka mid yahay kumanaan dad ah oo lagu hayo garoonka kubada cagta Kasarani dhexdiisa.

War saxaafadeedka kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagt ayaa lagu sheegay in cayaaryahah Saadaq uu booliska u sheegay in uu yahay cayaartoyd uuna heysto documentiyo sharci ah oo uu dalka ku joogo balse ay ka dhag afureysteen inay maqlaan hadalkiisa.

"Waxaa nasiib darro ah in cayaaryahan heer caalami ah ooo garbihiisa ku sida calanka dal dhan uu leeyahay in leyska xirto si sharci darro ah—Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uma dul qaadanayo xad gudubkan oo kale waxaana arrintan hor dhigeynaa kubada cagta aduunka”ayuu xoghayaha guud ku sheegay war saxaafadeedkiisa oo loo kala diray ururka kubada cagta aduunka ee FIFA, kan qaarada Afrika ee CAF iyo kan bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA, isla markaana loo qeybiyay warbaahinta caalamka.

Cayaaryahan Saadaq ayaa ka tirsanaa xulka qaranka da’yarta dalka Soomaaliya 4-tii sano ee lasoo dhaafay waxaana uu dhanka kale u cayaaraa kooxda AFC Leopards oo ka mida kooxaha heerka 1-aad ee dalka Kenya.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment