Horyaalada heer gobal ee dalka oo qaban qaabadoodu socoto

Friday February 14, 2014 - 01:56:43
0 Comments
3330
Super Admin
Iyadoo dalka Soomaaliya uu kasoo kabsanayo dagaalo sokeeye iyo fowdo muddo dheer ka jiray ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu ku guda jiraa diyaar garow ku aadan qabashada horyaalo heer degmo iyo heer gobal ah si la mida dalalka kale ee caalamka, waxaana talaabo qaban qaabadaasi ka mida magaalada Muqdisho kusoo gaartay koox ka dhisan Magaalada Gaalkacyo maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.


Wafdiga kooxda la yiraahdo COMSED oo ka kooban 22 xubnood ayaa waxaaa hogaaminaya guddoomiyaha kooxda Cabdi Qani Khaliif Carabey, waxaana dhabaha diyaaradaha AadanCadde ee magaaladad Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo madaxda naadiyada heerka 1-aad.

Wafdiga Kooxda COSMED ayaa loosoo gelbiyay Hotelka Global ee magaalada Muqdsiho halkaas oo qolalkii ay dagi lahaayeen horay loogusii diyaariyay,sida uu sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.



Kooxda COMSED oo ka dhisan magaalada Gaalkacyo ayaa cayaaro saaxiibtinimo la yeelan doonta laba ka mida naadiyada heerka 1-aad ee dalka, kuwaas oo kala ah naadiga horyaalka difaacanaya ee Elman iyo Dekedda.

"Xaalada amaan ee dalka oo soo hagaageysa marka loo eego sanadihii lasoo dhaafay ayaan uga faa’iideysanaynaa in aan bilwono horyaalada heer gobal ilaa iyo heer degmo—ma ahan cayaarihii gobalada ee aanu qaban jirnay laakin waa horyaalo rasmi ah oo loogu talagalay in gobal kasta uu yeesho horyaal u gaar ah oo kooxuhu ugu tartamayaan kusoo biirtaanka horyaalda heerka qaran ee dalka sida A, B iyo C”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu xoghayaha guud sheegay in ujeedadu ay tahay degmo kasta iyo gobal kasta inay yeeshaan horyaalo u gaar ah oo heerar hoose ah ka hor inta aan loosoo gudbin horyaalka heerka qaran ee dalka si la mida wadamada kale ee caalamka.

"Imaatinka kooxda COMSED ee Muqdisho waxaa uu calaamadeynayaa bilowga kooxo kale oo gobalada dalka oo dhan ka imaan doona, waxaa sidoo kale imaatinka kooxdani uu xambaarsan yahay sadex u jeedo oo waaweyn oo ku aadan horumarinta kubada cagta dalka”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Ujeedooyinkaas ayuu xoghayuhu sheegay in ay ka mid yihiin

·In la dhiiri geliyo is dhexgalka dhalinyarada iyo horumarinta kubada cagta ee gobalada dalka.

·In loo gogol xaaro horyaalada heerka gobal iyo heerka degmo ee dalka mustaqbalka dhow laga bilaabi doono.

·In laga xulo cayaartoy qaran ee xulalka kala duwan sida Under 17, Under 20, Under 23 iyo qaranka waaweyn.

War saxaafadeedka ayaa amaan balaaran loogusoo jeediyay aas aasaha kooxda kubada Cagta COMSED ee magalad gaalkacyo Dr. Cabdul Qaadir Maxamuud Jaamac oo loo yaqaano Dhaqtar Dhaga Cadde oo xiriirka Soomaaliyeed uu sheegay in uu muddo dheer qeyb ka ahaa horumarinta kubada cagta dalka, isla markaana uu ku gacan siiyay dhalinyaro farabadan in ay noqdaan xirfadleyaal kubada cagta ah.

"Aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan fursadan uga faa’ideysanayaa in aan u mahad celiyo Dhaqtar Dhaga Cadde kaalintiisa ku aadan horumarinta kubada cagta dalka Soomaaliya”ayuu xoghayaha guud cabdi Qani Saciid Carab ku sheegay war saxaafadeedkiisii maanta.

War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in kooxda COMSED ay cayaaro saaxiibtinimo la yeelan doonto Naadiyada Dekedda iyo Elman FC oo horyalaka dalka difaacaneysa 16-ka iyo 19-ka bishan Febraayo ka hor inta aanay kjooxdu dib ugu laaban magaalada Gaalkacyo oo 750 kilomitir dhanka waqooyti kaga beegan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sida ku cad war saxaafadeedka waxaa xiriirka Soomaaliyeed uu diyaariyay koox khubaro ah oo uu horkacayo agaasimaha waaxda farsamada xiriirka macalin Cawil ismaaciil Maxamed kuwaas oo loo xil saaray inay cayaartoy ka xulaan cayaaryahadan kooxda COMSED kuwaasoo loo diyarin doono inay ku biiraan xulka qaranka ee ka yar 20-ka sano.







By Haaruun Yuusuf Khasaaro

Somali Football federation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment