Ganaax iyo digniino lasoo saaray

Saturday January 18, 2014 - 13:27:10
0 Comments
2877
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta soo saaray wareegtooyin kala duwan oo xambaarsan ganaax la dul dhigay mid ka mida naadiyada heerka 1-aad ee ka qeyb galaya horyaalka Nation Link Telecom championship, halka mid ka mida macalimiinta naadiyada iyo ciyaaryahan kale iyagana loodiray digniin.


Go’aamadan ayaa waxaa lagu qaatay shir ay maanta isugu yimaadeen xubnaha guddiga aadaabta iyo Dishibiliinka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, waxaana arrintani ay qeyb ka tahay dadaalo lagu ilaalinayo habsami usocodka tartanka laguna dhaqan gelinayo qodobada u dagsan xeerka tartanka.

Kulanka kadib ayaa xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid carab waxaa uu soo saaray wareegtooyin ay ku cadyihiin noocyada ganaaxyada guddigu gaaray iyo shaqsiyaadka iyo kooxaha la dul-dhigay magacyadooda, waxaana ay kala yihiin sidan soo socota.



JEENYO UNITED: DIGNIIN

Guddiga aadaabta iyo dishibiliinka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta markuu arkay warbixinadii garsooraha iyo xeer ilaaliyahii cayaartii tirsigeedu ahaa (Number 18) ee dhacday 17-kii bishan Janaayo una dhexeysay Naadiyada Jeenyo United iyo Banadir sports Club, markii arkay qodobka 36-aad (II) ee xeerka tartanka, wuxuu guddigu go’aamiyay sidan:

Cayaaryahan Maxamed Cabdinuur Maxamed (number 7) kana tirsan Naadiga Jeenyo waxaa loo jeediyay digniin kama dambeys ah kaddib markii uu u hogaansami waayay amarka dhaqaatiirta garoonka. Sidaa daraadeed wuxuu xiriirku ka rajeynayaa maamulka naadiga Jeenyo inay la dar daarmaan cayaartoyga si ay ku jirto edeb iyo asluub.

HORSEED: GANAAX IYO DIGNIIN.

Tix raacid cayaartii tirsigeedu ahaa (number 16) ee dhacday 14-kii Janaayo 2014 una dhexeysay naadiyada Horseed iyo Gaadiidka. Hadaba Guddiga aadaabta iyo dishibiliinka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta markuu arkay warbixinadii garsooraha iyo xeer ilaaliyihii cayaarta, markuu arkay qodobada 43-aad iyo 36-aad (II,III), Marki ay ku cadaatay naadiga Horseed inay ku keceen falal lidi ku ah horumarinta kubada cagta, isla markana bur buriyeen agab iyo waliba musqulaha qolka labiska cayaartoyda, waxaa uu guddigu go’aamiyay sidan soo socota:

1-Naadiga Horseed waxaa la ganaaxay lacag dhan $ 500 Dollar kaddib markii ay bur biriyeen musqulaha iyo agabkii yiilay qolka labiska cayaartoyda taasoo kasoo horjeeda nidaamka kubada cagta.

2-Cabdi Maxamed Maxamuud oo ah tababaraha Naadiga Horseed waxaa loo jeedinayaa digniin kama dambeys ah kaddib markii uu aflagaado u geystay saraakiisha maamulka cayaarta. Sidaa daraadeed waxaan maamulka naadiga Horseed ka rajeyneynaa inay la dar-daarmaan si ay ku jirto edeb iyo Asluub.

Mahadsanidiin.

Waxaa dhamaan wareegtooyinkan ku saxiixnaa xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Saciid Carab

Somali Football Federaion Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment