Garsoore Hore Shuuriye oo doonaya in uu macalin noqdo

Thursday January 16, 2014 - 17:18:52
0 Comments
4693
Super Admin
Garsoore hore oo heer Caalami Cabdiraxmaan Cabdi Cumar (Shuuriye) ayaa maanta oo khamiis ah shaaca ka qaaday in uu qorsheynayo in uu isu badalo macalin dhanka garsoorka ah si uu gacan uga geysto wax barida dhalinyarada Soomaaliyeed ee jecel inay shaqda garsoorka kusoo biiraan, maadama uu haatan ka weynaaday shaqadii garsoorenimada.


"Garsoorka kubada cagtu waa hiwaayadeyda 1-aad sidaa daraadeed maadaama aan iminka howl-gab ka noqday garsoorenimada, gudaha iyo tan caalamiga ah intaba waxaan jeclahay in aan wali kusii dhex jiro shaqada garsoorka, laakin markan kumasii lug lahaan doono muumulida cayaarta gudaha garoonka balse taa badalkeeda, waxaan rajeynayaa in aan u shaqeeyo dalkeyga iyo dadkeyga anigoo ah macalin dhanka garsoorka ah”ayuu yiri garsoore hore Cabdiraxmaan Cabdi Cumar (Shuuriye) oo maanta qoraal soo gaarsiiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.



"Waxaan idin sheegayaa kaddib muddo sanado ah (1996- 2013) oo aan kasoo shaqeynayay howsha garsoorka heer qaran ilaa iyo heer caalami, mudadaasoo aan qibrad weyn kusoo qaatay waayeheygii quruxda badnaa ee aan soo maray, garsoorku waxaa uu ahaa shaqo aan aad u jeclaa ilaa iyo caruurnimadeydii, sidaa daraadeed wali aad ayaan u jeclahay in aan kusii dhex jiro, laakin markan aan isu badalo dhanka macalinimada garsoorka”ayuu qoraalkiisa ku yiri garsoore hore Cabdiraxmaan Cabdi Cumar (Shuuriye).

Waxaa uu sidoo kale garsoorahan hore ku sheegay qoraalkiisa in wixii ka dambeeya maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16 Janaayo 2014 uu go’aan ku gaaray shaqadii garsoorka ee gudaha dalka in uu iyadana joojiyo tasoo macneheedu yahay in uusan cayaar dambe dalka gudihiisa garsoore ka noqon doonin maadaama uu waayihiisii soo qaatay hadana ka gaboobay uuna jecelkyahay dhanka macalinimada in uu u wareego si uu gacan u siiyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee jecel inay garsoorka kusoo biiraan.

"Qroaalkeygan waxaan uga codsanayaa madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta inay fursad ii siyaan in aan guda galo qorsheheyga 2-aad oo ah dhanka macalinimada garsoorka, waxaana idinka rajeynayaa in aad codsigeygaas si weyn usoo dhaweyn doontaa anigoo kalsooni idinku qaba”ayuu garsoore hore Shuuriye ku sheegay qoraalka uu maanta soo gaarsiiyay maamulka sare ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Garsoore shuuriye oo ah nin jaamici ah ayaa ka mid ahaa raga lagu tiriyo inay aad ugu fir fircoonaayeen shaqada mudadii uu ku soo dhex jiray howsha garsoorka ee heer qaran ilaa iyo heer caalami waxaana uu shaqo garsoor u tagay wadamao aad u farabadan oo howlo aad u wagaasan uu kasoo qabtay.






Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment