Soomaaliya oo dib loogu doortay booskeedii maamul ee CECAFA

Tuesday November 26, 2013 - 00:12:45
0 Comments
3441
Super Admin
Guddoomiyaha guddiga tartamada CECAFA, ahna xubin guddiga fulinta CECAFA Cabdi Qani Saciid Carab ayaa mar kale loo doortay in uu xilalkaasi kasii hayo ururka kubada cagta Bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA doorasho ka dhacday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Mr. Cabdi Qani Saciid Carab oo sidoo kalana xubin ka ah guddiga FIFA isla markaana ah xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa helay codadka 9 wadan oo ka mid ahaa 12 dal oo codadkooda ka dhiibtay doorashada oo maanta ka dhacday Nairobi.

"Aad ayaan ugu mahad celinayaa dhamaan wadamada xubnahaka ah CECAFA, kuwii i doortay iyo kuwii aan idooran intaba, dhamaantood waa mahadsanyihiin, sababtoo ah kubada cagtu waa walaalnimo iyo saaxiibtinimo, sida ay na barayaan qawaaniinta kubada cagta aduunkaā€¯ayuu doorashadiisa kaddib saxaafada u sheegay Mr. Cabdi Qani Saciid Carab.



Wadamada Kenya, Eritrea iyo Koofurta Sudan ayaa codadkooda u diiday inay siiyaan Soomaaliya, laakin dhamaan 9-ka dal ee kale ee ku jira CECAFA ayaa si buuxda ugu codeeyay musharaxan ka socday Soomaaliya Cabdi Qani Saciid Carab.

Wadamada Sida aadka ah ugu ololeeyay Soomaaliya mudada dheerna is xulafeysigu uu kala dhexeeyay Soomaaliya ayaa waxaa hormuud ka ahaa: Itoobiya, Jabuuti oo aanu walaalo nahay, Rwanda, Sudan, Burundi iyo Uganda. Xubnaha CECAFA ee la doortay ayaa xafiiska maamulka sii heyn doona labada sanadood ee inasoo aadan, waxaana madaxda sar sare ee cecafa ka mida:

Leodegar Tenga (Tanzania) Guddoomiye, Lawrence Mulindwa (Uganda), Ku xigeen. Xubnaha: Tareq Atta (Sudan) Abdi Qani Said Arab (Somalia), Raol Gisanura (Rwanda) iyo xoghayaha guud Nicholas Musonye (Kenya) oo isaga aan la dooran laakin doorashada kaddib la magacaabo.

Ku dhawaad 15 sanadood ayaa laga joogaa markii Nicholas Musonye uu noqday xoghayaha CECAFA waxaana xiligaa u magacaabay Alle ha u naxariistee ninkii ugu awooda badnaa kubada cagta Afrika Faarax Sendiko xili Kenyana ay aad ugasoo horjeeday in booskaas uu yimaado nin Soomaaliya ay wadato, waxaana xusid mudan in Nicholas Musonye ilaa iyo hada uu booska kusii joogo awooda wadamada aan soo sheegnay ee isbahaysiga la ah Soomaaliya taas ayaana keentay in ilaa iyo Hada Musonye uu soo dhaweysto Soomaaliya.

Wadamada ku guul dareystay doorashada codkoodiina u diiday Soomaaliya waxaa ka mida Koofurta Sudan iyo Kenya oo guddoomiyeyaashooda kubada cagta Mr Ally Chabor (south Sudan) iyo Sam Nyamweya (Kenya) ay waayeen kalsooni ku filan oo ay guddiga fulinta uga mid noqdaan.

Kenya ayaa codkeeda u diiday Soomaaliya sababo la xariira dagaal siyaasadeed dhawaan ka dhex qarxay xiriirada kubada cagta Soomaaliya iyo Kenya kaddib markii Cabdi Qani Saciid Carab uu lugta ku dhuftay qorshe uu watay xiriirka kubada cagta Kenya oo doonayay in uu dhaqaale ku raadsado waxy ay ku sheegeen barnaamij nabadeed oo Soomaaliya loogu qabanayo Kenya, tasoo uu Cabdi Qani Saciid Carab ku gacan seyray kuna qasbay Kenya inay raali gelin kabixiso gefka ay u geysatay Soomaaliya, isla markaana ka noqoto qorsheheedii.

Xubnaha kale ee Soomaaliya ugu jira ururka Kubada cagta Bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA waxaa ka mida Madaxa maaliyada CECAFA Caamir Cabdi Xasan, Agaasimaha xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ahna xubin guddiga warfaafinta CECAFA, iyo Xasan maxamed Maxamuud oo isna xubin ka ah guddiga garsoorka CECAFA.

Guddoomiyaha xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya Cali Siciid Guuleed Rooble ayaa isna xubinka ah guddiga horumarinta xiriirka kubada cagta qaarada Afrika ee CAF. Arrintan ayaa muujineysa sida Soomaaliya oo muddo dheer aan dowlad lahayhn ay uga dhex muuqatay maamullada kubada cagta caalamiga ah gudiyadooda kala duwan.

Somali Football federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment