Horyaalka: Jeenyo 2 Savana 0

Monday November 11, 2013 - 01:01:27
0 Comments
4403
Super Admin
Iyadoo horyaalka kubada cagta dalka Soomaaliya uu si xiisa leh uga soconayo garoonka Stadium Banaadir ayaa maanta waxaa halkaa isku fara saaray naadiyada kala ah Jeenyo iyo Savana, waxaana kooxda Jeenyo ay 2-0 madaxa dhulka ugu dhigtay kooxda Savana.


Horyaalkan oo sanadkan loogu magac daray Shirkada isgaarsiinta ee nation Link, ayaa waxaa cayaartii galabta ay ahady tii sadexaad ee garoonka lagu cayaaro tan iyo intii horyaalku bilowday.

Labada gool kooxda Jeenyow axaa u saxiixay cayaryahan Cabdulqaadir Shariif Muqtaar oo goolka hore dhaliyay daqiiqadii 26-aad ee qeybta hore ee cayaarta, halka goolka 2-aadna uu dhaliyay daqiiqadii 60-aad ee qeybtii dambe ee cayaarta, waxaana cayar-yahankani uu galabta noqday shaqsigii cayaarta ama man of the match.



Cayaar-yahanada Savana waxay isku dayeen in ay gool dhaliyaan waxaana ay qaadeen dhowr weerar hase ahaatee midkoodna kuma guuleysan, iyadoo kooxda Jeenyo ay u suura-gashay in 3-dii dhibcood ee loo tartamayay ay la hoyaado.

Wiilasha Savana ayaa xitaa nasiibkoodu u diiday in ay ka faa’iideystaan 3 daqiiqadood oo cayaarta lagu daray markii ay dhamaatay 90-kii daqiiqo ee loogu talagalay.

Dhanka kale sida ku cad jadwalka waxaa barri oo Talaado ah is fara saari doona kooxaha Elman iyo Banaadir Sports Club. Cayaartan ayaa la saadaalinayaa in ay noqon doonto cayaarta ugu shacbiyada iyo xamaasada badan tan iyo intii horyaalku furmay.

Goobaha lagu iibiyo tikidhada ayaa labadii malmood ee lasoo dhaafay mashquul aad u badan laga dareemayay waxaana inta badan dadku ay iibsanayeen tikidhada cayaarta ElmanVS Banaadir oo ah mid aad loo wada sugayo.

NB: Hadii aad u baahan tahay sawirada cayaarta ka daaloco qeybta Enlish-ka ee webka

Xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment