Soomaaliya iyo Brazil oo isku beegan: Perth world cup 2013

Saturday October 12, 2013 - 23:19:57
0 Comments
2793
Super Admin
Iyadoo magaalada Perth ee galbeedka dalka Australia uu ka soconayo tartanka Perth World cup 2013 ayaa cayaartoyda ku cayaareysa magaca dalka Soomaaliya waxaa ay cayaarta ugu soo horeysa ee tartankan la yeelanayaan cayaartoy dalka Brazil, waxaana xulka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2009 ay ahaayeen xulka ugu adag tartankan caalamiga ah.


Cayaarta dhex mareysa Somalia iyo Brazil ayaa dheceysa maalinta Axada ah oo taariikhuduna ay ku beegan tahay 13-ka October 2013 . Xulka Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminaya Macalinka Khabiirka ah Macalin Cabdul Xaq Maxamed Axmed Gool hayihii hore ee cayaartoydii gobalka Jubada hoose bari samaadkii, gobalkaas oo ahaa kii ugu guulaha badnaa cayaarihii gobalada dalka Soomaaliya.

Sanadkii 2009-kii waxaa Macalinka iyo wiilashiisu ay wacdare ka dhigeen cayaaraha koobka aduunka ee Magalada Perth oo ah tartan caalami ah oo loo qabto jaaliyadaha kala duwan ee ku nool dalka Australia, waxaana sanadkaas ay Soomaaliya tartanka kaga qeyb gashay laba xul oo kala ahaa xulka waaweyn iyo kuwa da’doodu ka yartahay 18-ka sano.



Sanadkaas xulka Soomaaliya ee U 18 waxaa ay ku guuleysteen koobkii dhalinyarada oo ay cayaarti finalka xulka South Afrika kaga adkaadeen 1-0. Sidoo kale xulka waaweyn ee Soomaaliya waxaa sanadkaas ay galeen kaalinta labaad.


Macalinka Xulka Soomaalida ku nool Australia Macalin Cabdul Xaq Maxamed Axmed waxaa uu shgeegay inuu kalsooni buuxda ku qabo wiilashiisa uuna rajeynayo in ay ka adkaadaan xulka la dagaalami doona ee Brazil oo uu sheegay in ay ku jiraan cayaartoy ay dalkooda kasoo kexeysteen oo horyaalkda Brazil ka dheela.


"Waxa aan u socono waa tartan mar kasta oo aad tartan galeysana waxaad ku talagaleysaa guul ama guul darro, laakin anigu qof ahaan kalsooni weyn ayaan ku qabaa wiilasheyda waxaana rajeynayaa in ay gacan sareyn doonaan”ayuu yiri macalinka kooxda Soomaalida Macalin Cabdul Xaq Maxamed Axmed.


Cayaarta dhex mari doonta Somalia VS Brazil ayaa ah mid aad looga hadal hayo dalka Australia gaar ahaan magaalada Tartanku ka socdo ee Perth maadaama labada xul loo arko kuwa ugu awooda badan tartanka. Cayaartan adag waxaa la dheeli doonaa Axada 13
October 2013 saacadu marka ay tahay 16:45 daqiiqo xiliga dalka Brazil.


Tartankii 2009-kii waxaa uu ahaa kii ugu horeeyay ee macalinku uu ku hogaamiyo xulka Soomaalida waxaana ay isla sanadkaas dhigeen wacdare iyadoo guulihii la yaabka lahaa ee xulka Soomaaliya ay u dheceen sidan: Somalia 10 Ukraine 2, Somalia 6 Colombia 1 iyadoo cayaarti kama dambeysta ahadyna ay wiilsha Soomaaliya ka adkaadeen south Africa 1-0.


Axada oo bishu tahay 13 waxaa jira cayaaro aad u ad adag oo group-ka Soomaaliya ku jirta ay dheelayaan waxaana leysu arkayaa sidan hoose:


10:00 hrs England v Australia (M)
11:30 hrs CROATIA v IRAQ (S)
13:15 hrs ZIMBABWE v GREECE (S)
15:00 hrs ITALY v S. LEONE (S)
16:45 hrs BRAZIL v SOMALIA (S)

 

Hadaba xiririka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn usoo dhaweeyay talaabooyinka uu qaadayo macalin Cabdul Xaq Maxamed Axmed oo isaga iyo wiilashiisu ay guulo waaweyn usoo hooyeen Soomaaliya tan iyo 2009-kii markii ugu horeysay oo ay ka qeyb galeen Perth World Cup.

"Inkastoo ay yihiin dad dalkoodii ka cararay kuna nool dal shisheeye hadana waa kuwo niyadoodu ay dhisan tahay waxaana ay qabaan rajooyin waaweyn –waxay xambaarsan yihiin calanka Soomaaliya waxaana aad ugu farax-sanahay howsha ay hayaan”ayuu yiri guddoomiyaha xiririka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali siciid Guuleed Rooble.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sanadkii 2010 uu xiriirka Soomaaliyeed qoraal u diray xiriirka kuabda cagta dalka Australia kana codsaday in macalinkaas iyo cayaartoydiisa la gacan siiyo waxaana wixii ka dambeeyay macalinka lagu marti qaaday ka qeyb galka tababarada heerkoodu sareeyo ee xiriirka Australia qabto iyadoo maclainka oo khibradiisu aad u dareyso uu mar kale Soomaaliya usoo hooyay guulo la taaban karo kaddib markii uu kaalinta ugu horeysay ka galay koorsooyinkii la qabtay dhowr jeer oo kala duwan.

Waxaa uu guddoomiyuih sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu si buuxda uga war qabo howsha macalinku uu u hayo umada Soomaaliyeed waxaana rajeyneynaabuu yiri in uu mustaqbalka dhow la yimaado cayaartoy tayo leh oo magaca soomaaliyeed ku matala cayaaraha caalamiga ah ee FIFA iyo kuwa Afrika.

Sanadkii 2009 ayay ahady markii maclainka Soomaalida loo aqoonsaday macalinkii ugu wanagsanaa tartankii Perth World cup oo ay ahayd sanadkii ugu horeyeey ee uu ka qeyb galo isagoo wata xul Soomaaliya matalaya.

Tartankan caalamiga ah oo lagu qabto magaalada Perth ee galbeedka dalka Australia caasimada u ah ayaa ah mid taariikh fog leh waxaana lasoo bilaabay qabashadiisa sanadkii 1977-kii, laakin Soomaaliya ayaa ku biirtay tartankaas 4 sanadood ka hor. Isla sanadkaas Soomaaliya waxaa macalinkeeda la siiyay abaal marinta macalinkii ugu fiicnaa tartanka.





Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment