Soomaaliya oo xeer ilaalin ka ah Cayaarta Finalka FIFA beach soccer world cup: Spain VS Russia.

Sunday September 29, 2013 - 05:27:12
0 Comments
3162
Super Admin
Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ahna xubin ka tirsan guddiga FIFA beach soccer, isla markaana ah guddoomiyaha guddiga tartamada ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA Mr Cabdi Qani Saciid Carab ayaa FIFA u magacawday in uu maamulo cayaarta kama dambeysta ah ee FIFA beach soccer world cup taas oo dhex mari doonta wadamada Spain iyo Ruushka.


Cayaarta ayaa bilaabaneysa saacadu markay tahay 8:30-ka fiidnimo xiliga dalka Tahiti oo ku beegan maanta barqadii xiliga Muqdsiho. War saxaafadeed uu maanta soo saaray afhayeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Shaafici Muxuyadiin (Islow) ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si kal iyo laab ah ugu mahad celineyso madaxweynaha ururka kubada cagta Aduunka Joseph S Blatter iyo guddiga FIFA beach soccer doorashadii ay mudanahan Soomaalyeed u doorteen in cayaarta finalka ah uu ka madexeeyo.



Waxaa tani ay noqoneysaa markii ugu horeysay taariikhda kubada cagta Soomaaliya oo muwaadin Soomaaliyeed uu xeer ilaaliye ka noqdo cayaar Final ah ee FIFA beach soccer world cup.

Intii tartanku socday waxaa uu Mr Cabdi Qani Saciid Carab xeer ilaaliye kasoo noqday sadex cayaarood oo kala ahaa: Match Number 11 Ivory coast VS Russia, Match Number 18 Iran VS Ukraine iyo match Number 21 UAE VS USA iyadoo cayaarta Spain VS Russia ay tahay tii afaraad ee uu xeer ilaaliye ka noqdo waana qofka keliya ee guddigiisa ka tirsan oo ilaa iyo hada 4 cayaarood loo magacaabay inuu maamule ka noqdo.

Laakin cayaarta Finalka ah ayaa muujineysa in uu Cabdi Qani Saciid Carab uu noqday qofka loogu kalsoonida badan yahay laguna qancay khibrada iyo awoodiisa xaga maamulka ah taasina ay keentay in cayaarta Finalka oo hadana aad u adag uu xeer ilaaliye ka noqdo.

"Xiriirka Soomaaliyeed ee kubaaada cagta aad ayuu uga mahad celinayaa ururka FIFA magacaabista uu Mr Cabdi Qani Saciid carab u magacaabay maamulida cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka aduunka—tani waxaa ay sumcad weyn u tahay Soomaali oo dhan gaar ahaana xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo Xogyahihiisa Cabdi Qani , waxaana sidoo kale ay dhiiri gelin u noqoneysaa in Soomaaliya ay mustaqbalka dhow ka dhex muuqato cayaaraha kubad xeebeedka aduunka”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri afhayeenka xiriirka Soomaaliyeed Shaafici Muxuyadiin Islow.

Talaabadan uu hroay u qaaday Mr Cabdi Qani Saciid Carab ayaa waxaa ay soo nooleyneysaa rajadii dalka Soomaaliya waxaana ay si weyn u farxadgelisay shacbaka dagaaladu la dageen ee Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana taageerayaasha kubada cagta dalka.

Sida lagu sheegay war saxaafadedka tan iyo markii Mr Cabdi Qani Saciid Carab uu howshiisa ka bilaabay tartanka FIFA beach soccer world cup Tahihi 2013, waxaa xafiiska xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Soo gaarayay dhambaalo hambalyo iyo mahad celin isugu jira halka dadweynaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku noolna ay fariimo hambalyo ah kusoo dirayeen emailka qeybta warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta: somalifootballmedia@gmail.com

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mr Cabdi Qani Saciid Carab waxaa uu ka mid yahay shaqsiyaad geesiyaal ah oo naftooda u huray in ay ka bad baadiyaan kubada cagta Soomaaliya in ay bur burto mudadii dalku dowlad la’aanta ahaa.

Shaqsiyaadkaas aanay taariikhdu ilaawi doonin waxaa ka mid ah guddoomiyaha talada haya Cali Saciid Guuleed Rooble, iyo hogaamiyihii hore eeXiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Saciid Maxamuud Nuur oo sidoo kalana ahaa shaqsi sama fale ah oo lagu yaqiinay taakuleynta dadka tabaaleysan. Waxaan leenahay Alle ha u naxariisto xusuustisuna marnbaba kama go’i doonto quluubta umada Soomaaliyeed.

Somali Football Federation Media department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment