X/K/Cagta oo dhaliilay NGO-yo ku been abuurtay Garsoorka

Sunday July 21, 2013 - 05:27:20
0 Comments
3518
Super Admin
Xafiiska horumarinta garsoorka ee xiririka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa faafaahin ka bixiyay qaabka xiriirku ku qaato garsoore-yaasha cusub ee loo tababarayo in ay mustaqbal ku yeeshaan garsoorka kubada cagta dalka,waxaana uu xiriirku NGO-yo ku sugan magalada Muqdisho ugu baaqay in aanay dhalinyarada jihada ka lumin, isla markaana ku been abuuran habka garsoorka kubada cagta loogu diyaariyo dhalinyarada.


Agaasimaha xafiiska horumarinta garsoorka ahna xoghayaha ururka garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed Garsoore hore oo caalami ah Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) oo maanta war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in uu xiriirku ka war hayo qolooyin NGO-yo ah oo ku qaraabanaya wax ay ku sheegeen tababar ay siinayaan garsooreyaal cusub.

"NGO-yadaas oo ay si hoose u hor boodayaan rag aan naqaano waxaan u sheegeynaa in aysan jihada ka lumin dhalinyarada jecel in ay mustaqbalka garsooreyaal noqdaan, maadama aysan lahayn quxuuq iyo shahaado xiriirku aqoonsan yahay oo ay wax ku tababari karaan”ayuu war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay xoghayaha ururka garsoorka Mudane Cabdi Cabdulle Axmed (Basaale) oo qudhiisu ka mida macalimiinta garsooska horayna u ahaan iiray garsoore heer caalami ah.



Waxaa uu Mudane Baasaale sheegay in iyadoo laga duulayo siyaasada xiriirka ee horumarinta garsoorka kubada cagta Soomaaliyeed uu xiriirku sanadkiiba 3 jeer qabto tababaro heer qaran ah oo lagusoo saarayo dhalinyaro cusub iyo hal tababar oo heer FIFA ah. 


" Ma jirto cid aan ahayn xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo tababr garsoor oo kubada cagta ah qaban karta sababtoo ah waxaa loo baahan yahay in marka hore cida wax abaabuleysa ay masuuliyadaas leedahay isla markaana ay aqoon u leedahay waxa ay qabaneyso”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha ururka garsoorka kubada cagta Soomaaliyeed.


Mudane Baasaale waxaa uu sheegay in diiwaan gelinta garsooreyaasha cusub ee ugu soo horeysa ay bilaaban doonto horaanta bisha October ee sanadkan, waxaana uu ugu baaqay cidii dooneysa inay garsoore noqoto in ay lasoo xiriirto xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.


 

"Cidii ka qeyb gasha tababar uusan xiriirka Soomaaliyeed abaabulin waxaan u sheegeynaa in ay sidaas ku weyn doonto fursadaha tababrar ee xiriirku siiyo dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwa NGO-yada hor boodaya ee aan naqaanana waxaan u sheegeynaa in aysan dhalinyarada jaha wareerin farahana kalka baxaan howl aysan shaqo ku lahayn”ayuu Mudane Baasaale ku sheegay war saxaafadeedkiisa maanta.


Waxaa uu xoghayaha ururuka Garsoorka mudane Baasale sheegay in shuruudaha lagu qaato garsooreyaasha cusub ee la tababarayo ay ka mid yihiin: in uusan qofku da’ ahaan ka weyneyn 25 sano, In uu heysto shahaadada dugsiga sare ugu yaraan, isla markaana uu yaqaano luqada English-ka. Sidoo kale wuxuu sheegay in shuruudaha ay ka mid tahay in qofka tababrka isusoo diiwaan gelinaya uu ka yimaado Jaamacadiisa ama iskuulkiisa ee uusan jirin qof la iska qaadanayo isagoo aan jaamcaad ama iskuul ka imaan.


"Siyaasada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayay ka mid tahay in garsooreyaasha lasoo saarayo ay ahaadaan dhalinyaro dhanka aqoonta maadiga ah ka dhisan sidaas daraadeed ayaan sanadihii lasoo dhaafay garsooreyaasha mustaqbalka dadka loo diyaarinayo ka qadaneynay iskuulada iyo jaamacadaha”ayuyu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha ururka garsoorka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) oo bahweynta wax barashadana uga mahad celiyay kaalinta ay arrinkaas ka qaateen.

Waxaa uu xoghayaha ururka garsoorku sheegay in sida sharcigu qabo marka la qabanayo tababar garsoor uu ka kooban yahay dhowr qeybood oo qeybta ugu horyesana ay qaadato ugu yaraanb 3 bilood laakin waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in dhalinyaro meel la isugu keeno muddo hal todobaad ah oo sawirro laga qaato loogu been sheekeeyo in wax la baray.

 

"Ururka garsoorku wuxuu leeyahay macalimiin uu markii hore xiriirku soo saaray kaddibna FIFA kasoo qaatay koorsooyin aqoon kororsi ah isla markaana heysta shahaadooyin FIFA iyo Xiriirkuba aqoonsan yihiin, balse qof aan waligiis garsoor arag in uu maanta yiraahdo wax baan tababarayaa oo dhalinyarada marin habaabiyo anagu kama yeeleyno”ayuu si kulul u yiri xoghayaha ururka garsoorka kubada cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdi Cabdulle Axmed (baasaale) oo sheegay in dad sanadahan dambe fowdo ku ahaa isboortioga Soomaaliyeed hadana ku dhex jira ay NGO-yadaas daaha gadaashiisa u taaganyihiin iyagoo is mooda in aan laga war heyn.


NB
: Cidii dooneysa faafaahin dheeri ah ama wareysi Ha la xariirto agaasimaha xafiiska horumarinta garsoorka Ahna xoghayah aururka gasroorka cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) Nation Link 00252699 556960 ama Hormuud 0025261 5556960

 

Somali Football Federation Media Department

Email: somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment