FIFA oo ogolaatay in tababaradeeda lagu qabto Muqdisho

Thursday July 18, 2013 - 06:33:42
1 Comments
2709
Super Admin
Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa maanta oo khamiis ah ku dhawaaqay in xiriirka Soomaaliyeed uu aad uga mahad celinayo ururka kubada cagta aduunka ee FIFA gaar ahaana waaxdiisa horumarinta sida ay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ugu ogolaatay fursada ah in uu dalka gudihiisa ku qabsado tababar heer caalami ah, waana markii ugu horeysay muddo ku dhow 30 sanadood oo tababar FIFA ah lagu qabto dalka Soomaaliya gudihiisa.


Hadalka xoghayaha guud ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka dagaaladu halakeeyeen ee Soomaaliya uu iminka u diyaar garoobayo koorsadii ugu horeysay ee heer FIFA ah oo dalka lagu qabto tan iyo sanadku markuu ahaa 1986-kii.

 

Koorsadan oo ah mid lagu baranayo habka caruurta loogu bar baariyo kubada cagta ayaa ah tii ugu horeysay oo nooceeda ah oo Soomaaliya ay ka hesho FIFA, waxaana ay magaalada Muqdisho ka bilaaban doontaa 15-ka Bisha August ee inasoo aadan, waxaana uu tababrkani imaanayaa kaddib markii ururka kubada cagta aduunka ee FIFA uu xiriirka Soomaaliyeed u ogolaaday in uu tababarada uu FIFA ka helo ku qabsado dalka Soomaaliya gudihiisa, sidaasi waxaa lagu sheegay war saxaafadeed maanta oo khamiis ah kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Saciid Carab.



 

Xoghayaha guud Mudane Cabdi Qani Sacidi Carab waxaa uu war saxaafadeedkiisa ku sheegay in tababarkan oo lagu qabto dalka Soomaaliya gudihiisa ay bilow wanaagsan u tahay in shaqooyinka FIFA ee Soomaaliya la siiyo oo dhan in dalka gudihiisa lagu qabto hada kaddib.

 

"In koorsadan lagu qabto magaalada Muqdisho waxaa ay noo leedahay muhiimad aad u weyn, sababtoo ah waxaa ay u gogol xaareysaa in Soomaaliya ay hesho xuquuqaha ay helaan xiriirada nala midka ah oo dalalkooda ku qabsada tababarada FIFA siiso—waxaa ay taasi na gelineysaa rajo weyn waxaana ay farxad iyo reyreyn u tahay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo dhamaan bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.

 

Dowlada Soomaaliya ayaa uga mahad celisay ururka FIFA in uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta u ogolaaday in tababaradii Soomaaliya la siin jiray loosoo wareejiyo gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo dowlada Soomaaliyeed ay sidoo kale xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ku amaantay dadaalkii uu ku bixiyay in koorsooyinka caalamiga ah ee Soomaaliya hesho gudihiisa lagu qabto.

 

Tababarkan oo noociisu yahay FIFA MA grassroots course, ayaa ka socon doona magaalada Muqdisho inta u dhexeysa 15-19 August 2013, waxaana macalin ka ah oo dhigi doona FIFA instructor Mr. Ulric Mathiot oo u dhashay jasiirada Seychelles. Tababarkan ayaa noqonaya kii sadexaad ee macalin Mr. Ulric Mathiot uu uqabto Soomaaliya tan iyo sanadkii 2009-kii.

 

Labadii tababar ee kan ka horeeyay waxaa Soomaaliya loogu qabtay dalka Jabuuti sanadihii 2009-kii iyo 2011. "Ulric Mathiot waa macalin ay jeceshahay Soomaaliya waxaana rajeyneynaa in koorsooyinkeena mustaqbalkana uu isagu macalin nooga noqdo”ayuu yiri xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Saciid Carab.

 

Qalabkii loogu talagalay in tababarkan lagu bixiyo waxaa uu soo gaaray magaalada Muqdisho todobaadyo ka hor.

 

Koorsooyinka MA waa koorsooyin FIFA ay soo dirto oo keliya macalinka iyo qalabka laakin kharaashaadka kale ee ku baxaya ay xiiriiradu iska bixiyaan, waxaana Soomaaliya ay dhibaato ku qabi jirtay safarrada dibada ah oo kharash badani uga bixi jiray xiriirka Soomaaliyeed.

 

Xoghayaha Guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab wuxuu amaan balaaran usoo jeediyay dowlada, madaxada kubada cagta iyo guud ahaan shacabka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti oo uu sheegay in Xiriirka Soomaaliyeed ay awood buuxda u siiyeen in uu tababarada FIFA iyo cayaaraha Caalamiga ahba ku marti geliyo dalka Jabuuti iyadoo aanay jirin haba yaraatee wax dal-tabyo ah.

 

"Dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay keliya maahan ee Jabuuti mar kasta ayay noo ahayd Muqdisho 2-aad waligeena way noo ahaan doontaa”ayuu xoghayaha guud Mudane Cabdi Qani Saciid Carab ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray maanta oo Khamiis ah.

 

"In koorsooyinkeena aan ku qabsano dalka gudihiisa waxaa ay noo bad baadineysaa kharash aad u farabadan oo aan taa badalkeedana u isticmaali doono barnaamijyo kale oo horumarineed, sababtoo ah USD 40,000 oo doolarka mareykanka ah ayaa nooga bixi jirtay koorso kasta oo aan ku qabsano dalka Jabuuti, taas macnehedu waxaa uu yahay in isku cel celis USD 120,000 oo doolar aan ku kharash gareynjirnay sanadkii markii aan sadex koorso ku qabsano dalka Jabuuti lacagtaas oo ku bixi jirtay safarka iyo hotelka ka qeyb galayaasha”ayuu yiri xoghayaha guud.

 

"Bal qiyaas kharashka noo baaqan karaya markii aan tababaradeena ku qabsano dalka gudihiisa”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud oo intaa raaciyay in lacagahaas ay ka bixin jireen kharashka sanadkii xiriirku ka helo FIFA, halka xiriirada kale ee dalalkooda wax ku qabsada ay heysteen fursad ay kharashaadkaas ku baajiyaan.

 

Waxaa uu xoghayaha guud Mudane cabdi Qani Saciid Carab uu war saxaafadeedkiisa ku sheegay in FIFA ay sanadkan Soomaaliya u ogolaatay 3 koorso oo kala duwan kuwaas oo dhamaantood ka dhici doona caasimad dalka Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo xiriirka Soomaaliyeed gacan ka siin doonta horumarinta kubada cagta ee uu wado, waxaana madaxda xiriirku ay balan qadeen in ay fursadan la helay si weyn uga faa’iideysan doonaan iyadoo lala kaashanayo dowlada Soomaaliya.

 

"Madaxda xiriirka Soomaaliyeed waxaa ay aad ugu kalsooni qabaan hadalkii uu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ee uu ku sheegay in dowladu ay gacan weyn siin doonto cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa horumarinta dalka gaar ahaana kubada cagta oo uu madaxweynuhu rumeysanyahay in ay tahay aalada keliya oo loo adeegsan karo is dhex galka bulshada iyo horumarinta dhalinyarada”ayuu yiri xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amaanay ururka FIFA taageerada joogtada ah ee uu siinayay Soomaaliya xili dalku uu dhibaato adag ku jiray taas oo horseed u noqotay in kubada cagta Soomaaliya ay sii socoto. Waxaa madaxweynuhu uu sheegay in wax qabdkaas FIFA laga dareemayo garoonka Kubada cagta Banaadir oo ururka FIFA uu dhisme ka wado, isagoo xusay in uu ku rajo weynyahay in FIFA ay soo dhaqso usoo dhameys tirto qeybaha ka harsan dhismaha garoonka.

 

Si kastaba ha ahaatee Talaabo weyn oo horay loo qaaday ayay u tahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta in uu ku guuleysto codsigii uu dhawaan hor dhigay FIFA ee ku aadanaa in loo ogolaado tababaradiisa in uu dalka gudihiisa ku qabsado maadaama xaalada amaan ee dalku ay soo wanaagsanaatay.

 

Ilaa iyo sadex tababar oo kala duwan oo midkiiba ay ka qeyb qaadanayaan 30 ruux ayaa sanadkan la siiyay Soomaaliya waxaana ay ka wada dhacayaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

 

Tabaradas ayaa kala ah tababarka macalimiinta oo magaalda Muqdisho ka qabsoomi doona inta u dhexeysa 15 -19 August 2013, tababar dhanka caafimaadka ah oo isna Muqdisho lagu qaban doono 1-5 September 2013 iyo tababarka ugu dambeeya oo dhici doona inta u dhexeysa 12-16 September 2013.

 

Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya ay heso 3 tababr oo kala duwan muddo laba bilood gudohood ah, waxaana taa fududeyneysa ogolaashaha xiriirka Soomaliyeed loo ogolaaday in uu tababaradiisa ku qabsado dalka Soomaaliya gudihiisa.

 

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment