Horyaalka A oo furmaya 5-ta September

Sunday June 23, 2013 - 22:37:12
0 Comments
3392
Super Admin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shaaca ka qaaday xiliga uu rasmi ahaan furmayo horyaalka heerka 1-aad ee dalka Soomaaliya sanadka 2013, waxaana hadalkaasi looga dhawaaqay kulan xarunta xiriirka ku dhex maray madaxda Xiriirka Soomaaliyeed iyo guddoomiye yaasha naadiyada Maanta.


Xilli cayaareedka dalka Soomaaliya qeyb ahaan wuxuu bilowday bishii April waxaana lagu bilaabay horyaalada heerarka Labaad iyo Sadexaad oo hada soconaya, laakin horyaalka heerka koobaad ayaa dib loo dhigay iyadoo sababtuna ay ahayd garoonka Stadium Banaadir oo wali ururka kubada cagta aduunka ee FIFA uu dhisme ka wado.

Kulan muddo saacado ah qaatay oo ka dhacay xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta maanta (Axad) ayaa xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdi Qani Saciid Carab waxaa uu kaga dhawaaqay xiliga tartanku furmi doono oo ah 5-ta bisha September ee sanadkan, waxaana cayaarta ugu horeysa ay dhex mari doontaa naadiyada Heegan FC iyo Mogadishu City sida ku cad qori tuurka maanta la sameeyay.



"Aad ayaan uga xunahay runtii dib u dhca ku yimid tartanka heerka 1-aad oo lagu waday bishii April in uu furmo sababta keentayna waxaa ay tahay garoonka Stadium Banaadir oo aan diyaar noo ahayn xiligaas, waxaanse ku rajo weynahay in ka hor bisha September uu garoonku diyaar noqon doono”ayuu xoghayaha guud ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray kulankii maanta naadiyada heerka 1-aad uu la yeeshay kaddib.

"Inta badan garoonka dhismihiisii wuu dhamaaday, waxaa noo harsan oo keliya qeybta VIP-da, qolalka labiska cayaartoyda iyo wax yaabo yar yar oo kale, waxaana ka rajeyneynaa ururka FIFA in uu mashruucaas soo dhameystiro ka hor inta aan la gaarin mudada aan ku dhawaaqanay in tartanku furmi doono”ayuu xoghayaha guud ku sheegay war saxaafadeedkiisa.

Dhanka kale garoonka weyn ee Stadium Muqdisho oo ah garoonka qaranka ayaa wali waxaa sii dagan ciidamada Midowga Afrika oo aysan suuragal noqon in ay ka guuraan kaddib markii muddo laba jeer ah sanadkii hore madaxdaa xiriirku booqdeen saraakiisha AMISOM-na ay u balan qaadeen xiriirka in ay u baneyn doonaan.

Stadium Muqdisho inkastoo ay dayac tir u baahan tahay hadana waxaa ay ahaan lahady meel kale oo xiriirku kusii bilaabi karay tartanka heerka koobaad laakin xaalada ay ku sugan tahay ayaan suruagal ka dhigin.

Garoonkan laftiisa markii sanadkii hore madaxda xiriirku booqdeen ayaa waxaa la socday khabiir ka tirsan shirkada Green Filed oo soo qiimeeyay dhibaatada garoonka gaartay iyo inta uu dhan yahay kharashka ku baxaya taasoo uu xiriirku hordhigay FIFA lana rajeynayo in wax laga qabto isna.

Sanadkii hore waxaa uu xiriirku ku guul dareystay laba isku day oo uu doonayay in saraakiisha AMISOM looga dhaadhiciyo in ay garoonka ka guuraan, Inkastoo ay ogolaadeen saxaafadana ka sheegeen in ay ka guurayaan ayaa hadana wali aanay suuragelin. Waxaa bishii December sanadkii hore xiriirku qorsheynayay in uu garoonka Stadium Muqdisho ku qabto tartankii 19-aad ee cayaaraha kubada cagta gobalada dalka Soomaaliya oo dhamaan qalabkii loogu talagalay Muqdisho uu soo gaaray bartamihii sanadkii hore.

Dhulka uu ku yaalo garoonku stadium Muqdisho ayaa muhiimad istaraatiijiyad milatari ah u leh dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya waxaana cidii garoonka iyo dhulka u dhow gacanta ku heysa ay awood u yeelaneysaa in ay adkeysato gacan ku heynteeda deegaanada waqooyi ee magaalada waana taas mida keentay in tan iyo horaantii 90-meeyadii uu garoonku dhowr jeer isu badalo xero milatari.

Horaantii 90-meeyadii ayaa waxaa garoonka isu bad badalay ciidamadii Pakistaan iyo kuwii Mareykanka ee qeybta ka ahaa UNOSOM II . Sidoo kale bishii Janaayo sanadkii 2007 ayaa waxaa garoonka fariisin ka dhigtay ciidamadii Itoobiyaanka ee gacanta Siinayay dowlada Soomaaliya waxaana ay daganaayeen tan iyo 15-kii Janaayo sanadkii 2009 markaas oo ay dalka ka bexeen.

Laakin garoonka ayaa markiiba gacanta U galay Islaamiyiinta Soomaaliya waxaana ay daganaayeen tan iyo markii magaalada Muqdisho looga adkaaday 6-dii Bishii August ee sanadkii 2011.

Iyadoo xiriirka Soomaaliyeed uu rajeynayay in mar kale garoonku gacantiisa soo galo ayaa isla markiiba waxaa fariisimo milatari ka dhigay hadana ciidamada AMISOM, waxaana taasi ay wiiqday rajadii xiriirka Soomaaliyeed ka qabay in garoonku gacantiisa soo galo oo mar kale loo isticmaalo howlihii Isboortiga.

Si kastaba ha ahaatee xiriirka Soomaaliyeed wuxuu uga mahad celinayaa saraakiisha AMISOM sida ay ugu ogolaadeen in markii ay doonaan ay boqodaan qeybaha garoonku ka kooban yahay ,laakin in wali garoonki yahay xero milatari ayaa ah arrin aad u dhibeysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ee jecel cayaarta kubada cagta oo loo aqoonsan yahay in ay dadka Soomaalidu in ka badan 90% daawashadeeda jecelyihiin ahna cayaarta ugu shacbiyada badan dalka Soomaaliya.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment