Liido oo ku guuleysatay tartankii xiddigaha

Friday April 12, 2013 - 14:02:00
0 Comments
3889
Super Admin
Baarka weyn ee Liido Sea Food ayaa ku guuleystay tartanka xiddigaha kubada cagta dalka kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen kooxda kasoo hor jeeday ee SingJet cayaar shalay ka dhacday garoonka jaamacadaha ee magaalada Muqdisho.


Tartankan ayaa waxaa ka qeyb qaatay lix koodood oo ay maal gelinayeen shirkado iyo hoteelo k u yaala magaalada Muqdisho sida ku muuqata sawirka boga hore ee webka.

Qeybtii hore ee cayaarta oo ahayad mid aad u adag ayaa kusoo idlaatay 0-0, hase ahaatee daqiiqadihii hore ee qeybta labaad ayaa Maxamed Cabdul qaadir Shariif uu goolka guusha u saxiixay kooxdiisa Liido Sea Food waxaana uu goolkaasi dhashay daqiiqadii 49-aad ee qeybta dambe.



Inkastoo ay wiilasha Singjet ku guul dareysteen isku daygoodii ay ku doonayeen in ay goolka iskasoo gudaan, hadana waxaa ay sameeyeen cayaar wanaag aad loola dhacay iyadoo midkoodna aan loo taagin calaamad ganaax ah 90-kii daqiiqadood ee cayaartu socotay.

Dhowr jeer oo ay weerar ku qaadeen goosha kasoo horjeeda ayaanay ku guuleysan isku daygoodu in uu mira dhalo, balse cayaar wanaag ayaa lagu amaanay shalay.

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo saxaafada kula hadlay garoonka ayaa sheegay in tartanku uu kusoo dhamaaday si guul ah xiriirkuna uu ka gaaray ujeedooyinkii laga lahaa, isagoo xusay in tartankani uu xambaarsanaa 3 muhiimadood oo waaweyn.

Xoghayaha guud waxaa uu ka dhawaajiyay in xiriirku uu todobaadka dambe qaban doono munaasabad weyn oo koobka lagu guddoonsiinayo kooxda Liido Sea Food iyadoo sidoo kalana munaasabadaasi lagu bixin doono abaal marino kala duwan.

Intii ay socotay cayaartii shalay waxaa qaar ka mida ciyaartoyda kooxda Liido Sea Food la siiyay ganaaxyada hoos ku cad.

 

LIIDO SEA FOOD

Name

Number

Minute

Date

caution

Mohamed Abdulkader Farah

4

13th

11/4/2013

Yellow Card

Abdikarim Abdulle Mohamed

6

64th

11/4/2013

Yellow Card

Qasim Ali Mursal

3

85th

11/4/2013

Yellow Card

Hamza Mohamed Muqtar

13

90th

11/4/2013

Yellow Card

By Omar Ibrahim

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment