Madaxa waxbarashada oo ka hadlay tababar FIFA u qabaneyso garsooreyaasha Soomaaliya

Saturday February 23, 2013 - 10:12:23
0 Comments
3319
Super Admin
Iyadoo Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso tababarka sanadlaha ah ee (FIFA MA course) laguna wado in uu horaanta bisha soo socota ka furmo dalka Jabuuti ayaa madaxa xafiiska wax barashada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Maxamed Axmed oo xarunta SFF maanta war saxaafadeed kasoo saaray waxaa uu sharaxaaad ka bixiyay jadwalka tababarka


Waxaa uu sheegay in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu dadaalk aad u xoog badan ku bixiyay sidii tababarkani meel mar u noqon lahaa maadaama tababarka noocan oo kale ah dal kasta laga rabo in uu sanadkiiba mar qabsadao halka FIFA ay bixiso qalabka oo keliya, Soomalaiyana ay usii dheer tahay safarka Jabuuti arrintaas oo xiriirku dhabarka u dhigtay.

Tababarkan garsooreyaasha Soomaaliya la siinayo ayaa sida uu madaxa wabarashadu sheegay Jabuuti ka dhici doona inta u dheyxedysa 3-7 bisha March ee inasoo aadan.



"Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta gaar ahaana xoghayaha guud cabdi Qani Saciid Carab wuxuu sameeyay wax kasta oo suuragal uga dhigi karay Soomaaliya in ayka faa’iideysato tababarka noocan oo kale ah oo sida aan ka warqabno dalal badan oo Afrikaan ahi ay qabsankari waayeen”ayuu madaxa xafiiska waxbarshada xiriirku ku sheegay war saxaafadeedkiisii maanta oo Sabti ah.

"Waxaan aad ugu mahad celineynaa ururka FIFA taageeradiisa aan dhamaadka lahayn ee uu siiyay Soomaaliya taas oo ka hortagtay in kubada cagta Soomaaliya ay burburto muddo ka badan 20 sanadood oo daganaasho la’aan baahsan. Nidaam darro iyo dowlad la’aan ay dalka ka jireen”ayuu Mr.Cali Maxamed Axmed ku yiri war saxaafadeedkiisii maanta.

War saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in tababarkaas uu bixin doono Macalinka FIFA ee la yiraahdo Lim Kee Chong oo uu kaalayo Boubakar Hanashi oo isna ah macalin dhinaca jirka ah halka Axmed El Shenawi oo ka socda xafiiska horumarinta garsoorka FIFA ee Ku yaala magaalada Qaahira uu isna maamulka FIFA ku matali doono goobta tababarka oo socon doona muddo 5 maalmood ah.

Dhinaca kale guddoomiyaha gudidga garsoorka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cusmaan Jaamac Diraac ayaa sheegay in tababarka ay ka qeyb geli doonaan 28 garsoore oo ka kala asocda gobalada dalka oo dhan, sida Somaliland, Puntland, Galmudug iyo koofurta Soomaaliya.

Wuxuu intaa raaciyay Mr Diraac in madaxda xiriirka kubada cagta, garsooreyaasha tababarka qaadanaya iyo macalimiinta ka socota FIFA ay magaalada Jabuuti gaari doonaan 1-da bisha Maarso halka tababarkuna furmi doono 3-da bisha.

 

Somali Football Federation Media department

Email;somalifootballmedia@gmail.com


Leave a comment