Xoghaye Cabdi Qani oo jabuuti Kula kulmay Guddoomiye Suleymaan Waaberi

Tuesday November 20, 2012 - 18:40:11
0 Comments
2473
Super Admin
Xoghaye: C/qani Saciid Carab
Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa magaalada Jabuuti ku tagay socdaal deg deg ah oo aan horay loosii shaacin halkaas oo uu kulan kula qaatay guddoomiyaha cusub ee xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan Waaberi.

Labada masuul ayaa kulankooda iskulasoo hadal qaaday sii xoojinta xiriirka wada shaqeyneedee ka dhexeeya labada xiriir ee kubada cagta Soomaaliya iyo Jabuuti oo muddo dheer is bahaysi wadaag ku ahaa dhinacyada FIFA, CAF iyoCECAFA.

Xoghayaha ayaa gaarsiiyay guddoomiyhaha dhambaal hambalyo ah oo uu ka siday guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed, wuxuuna u rajeeyay in uu Allah ku garab galo masuuliyada cusuls ee loo xil saaray.

Intaa kaddib xoghayaha guud oo isla markaasina ah guddoomiyaha guddiga tartamada ee bariga iyo Bartamaha Africa waxaa uu dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho iyadoo maantana uu usii ambabaxay magaalada Kampala halkaas oo cayaaraha CECAFA ay ka furmayaan 24-ka bishan wuxuuna maamuli doonaa cayaarahaas oo tan iyo inta ay ka dhamaana uu joogi doono magaalada Kampala.



Leave a comment