Jeenyo oo aan wali la lagdin galabtana ka adkaatay Horseed

Tuesday October 09, 2012 - 21:17:32
0 Comments
3704
Shaafici Muxyidiin
Kulanka oo ahaa mid darbi ah ayaa waxaa galabta garoonka Jaamacadaha ee Degmada Hodan isaga horyimid labada kooxood ee Horseed iyo LL.PP. Jeenyo. Waxa galabta garoonka ka dhacay way ka duwanaayeen ciyaarihii horay loo soo arkay ee Horyaalka, marka la eego ciyaarta, goolasha la kala dhaliyey iyo taageerayaasha waxa ay soo bandhigeen.


Markii uu garsooruhu yeeriyey seeriga cadeynaya in ciyaartu bilow tahay Daqiiqad ma buuxsamin markii 39-ilbiriqsi gool looga naxsaday kooxda Horseed waxaana goolkaas ku fara yareystay Ciyaaryahanka lambar 7-aad ee Maxamuud C/nuur Maxamed Meema, waxa uuna noqonayaa goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee horyaalka laga dhaliyo.

Ciyaarta waxba iskama badalin qeybtii hore waxaana markaa kaddib ay kubaddu noqotay weerar iyo weerar celis, sidaasna waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ciyaarta ku hoggaaminaysay Kooxda LL.PP. Jeenyo.

Markii la isku soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta ayna socoto daqiiqadii koowaad markaana ay saacaddu ahayd 46-daqiiqo ayaa goolka barbaraha waxaa kooxda Horseed u saxiixay Ciyaaryahankooda lambarka 17-aad ee Ciise Maxamed Cismaan.

Xamaasadda Ciyaarta iyo garoonka ayaa wax weyn iska badeleen markii la barbareeyey Jeenyo, waxaana galabta ay taageerayaasha u muuqdeen kuwo waxaan horay loo arag garoonka ku soo kordhiyey, waxa ay indhahaygu qabanayeen Taageerayaasha LL.PP. Jeenyo oo boorar ay ku xardhanaayeen Magaca Jeeyo iyo MemanNot for Sale oo macneheedu yahay “Iib maahan Meema” la soo galay garoonka.

Ciyaarta waxaa daqiiqadihii dambe badal lagu keenay afar ciyaaryahan oo labada dhinac ka kala tirsan kuwaasoo wax weyn ka badalay hannaanka Ciyaarta iyo jawigii ay ku socotay.

Kooxda LL.PP Jeenyo waxaa u suura gashay inay shabaqa la helaan gool qurux badan markii goolhaya kooxda Horseed uu isku dayey inuu kubadda banaanka dhigo balse lugta u galiyey Ciyaaryahanka lambarka 23-aad u qaata kooxda Jeenyo ee C/risaaq Xasan Axmed daqiiqadii 63-aadna shabaqa ku hubsaday.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah loo taagay Yaasiin Jaamac Xuseen lambarka 10-aad ee kooxda Horseed, markii uu qalad bareer ah ku galay mid ka mid ah ciyaaryahannada Jeenyo.

Haddii aan eegno kaararka digniinta ah ee galabta la bixiyey waxay kala ahaayeen sidan:-

LL.PP. Jeenyo ayaa loo taagay labo kaar oo digniin ah halka Horseed ay qaadatay sadex kaar oo kuwa digniinta ah iyo hal Rooso.

Si kastaba kooxda LL.PP. Jeenyo ayaa hada leh 16 dhibcood oo ay iyada iyo Heegan isku dhibco ku wada ceyrsanayaan Elman oo leh 23-dhibcood horyaalkana ku horkacaysa, inkastoo Heegan hal ciyaar laga horeeyo.




 




By Maxamed Shuuriye Nuur

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 

 


Leave a comment