Kulankii Heegan VS Banaadir oo ismari waa ku dhamaaday

Friday October 05, 2012 - 21:50:29
0 Comments
6220
Shaafici Muxyidiin
Cayaar aad u adkeyd oo ka mida horyaalka heerka 1-aad ee Soomaaliya xilli cayaareedka 2012 ayaa galabta waxaa isaga hor yimid naadiyada Banaadir Sports Club iyo Heegan garoonka jaamacada ee magaalada Muqdisho waxaana ay ku dhamaatay is mari waa 1-1 ah.


Wiilasha Heegan oo baacsanayay Elman ayay ka go’neyd in cayaratii galabta ay ku guuleystaan waxaana ay weeraro badan ku qaadeen goolka Banaadir oo iyadana ya ka go’neyd in ay guuleysato si ay kaalinta 2-aad ee horyaalka u timaado.

Axmed Cabdul Qaadir Dayib oo loo yaqaano Axmed Saqiir kana mid ah ciyaartoydii kusoo baxay cayaarihii gobalada ee Garowe ka dhacay sanadkii 2010 ayaa goolka keliya u dhaliyay kooxdiisa Heegan daqiiqqadii 24-aad ee qeybta hore ee cayaarta oo kusoo dhamaatay 1-0 ay qeybta Hore heegan ku hogaamineysay.

Qeybtii labaad markii la isugusoo laabtay koox waliba waxay sii adkeysay weerarkeeda iyo difaac isku xiran si ay u hesho 3-da dhibcood ee badiska cayaarta lagu helo. Heegan waxay isku dayayeen in ay dhaliyaan gool labaad halka Banaadir ay isku dayayeen in ay golka iska soo gudaan.

Si kastaba ha ahaatee daqiiqadii 71-aad ee qeybta dambe ee cayaarta ayay wiilasha Banaadir heleen goolkoodii bar bar dhaca ka dhigay cayaarta waxaana u dhaliyay cayaaryahan Nuur Xuseen Cabdi cayaartiina 90-kii daqiiqadood ee loogu talagalay waxay kusoo dhamaatay bar bar dhac 1-1.

Dhanka kale cayaartii dhex martay shalay kooxaha Horseed iyo Saxafi ayaa ku dhamaatay iyana is mari waa 0-0 ah oo waxba lama kala dhalin, waxaana kooxda Saxafi ay ku jirtaa kaalinta 7-aad ee horyaalka iyadoo leh 8 dhibcood oo keliya.

Sida ku cad jadwalka tartanka maalmaha sabtida iyo Axada ciyaaro ma jiraan waxaana taasi ay ku ytimid xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ugu tala galay in taageerayaashu ay helaan fursad ay ku daawadaan cayaaraha kale ee caalamka oo labadaas maalmood la dheelo.

Maalinta Isniinta ay ayaa kooxda Dekeda waxaay ay ka hor tagi doontaa kooxda Elman ee horyaalka difaacaneysa halka Horseed iyo LLPP Jeenyo ay is arki doonaan Talaadada.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 



Leave a comment