Xulka Qaranka oo si weyn Muqdisho loogusoo dhaweeyay

Sunday September 23, 2012 - 16:16:57
0 Comments
2847
Shaafici Muxyidiin
Xulka guuleystay ee kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweyntii maanta lagu tilmaamay tii ugu weyneyd ee loo sameeyo xul qaran muddo ka badan 20 sanadood.


Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Axmed Faarax, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble, xubnaha guddiga fulinta xiriirka, cayaartoyda naadiyada kala duwan, tababarayaal, garsooreyaal iyo taageerayaal kor u dhaafaya 2-kun oo ruux ayaa buux dhaafiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho saaka waabrigii hore.

Labaatameeyo ka tirsan wareiyayaaasha wax ku qora wakaaaldaha ajnabigaa iyo kuwa gudaha ayaa iyaguna ka mid ahaa dadkii garoonka ku suganaa saaka wabarigii hore iyagoo wareysiyo kala duwan la sameeyay macalinka qaranka, maxamed cabdulle farayare, guddoomiyaha wafdiga tagay Sudan Cali Cabdi Maxamed, ciyaartoyda qaranka qaarkood oo uu ka mid yahay Maxamuud Cabdi Nuur oo Soomaaliya u dhaliyay goolka guusha iyo dad kale oo ka mida madaxda sportiga dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Duran Axmed faarax ayaa sheegay in guusha kooxdu gaartay ay astaan weyn u tahay in kubada cagta Sooaamliyeed ay soo horumareyso.

“Waxaan run ahaantii aad ugu faraxsanahay natiijajda cayaartii jimcihii ka dhacday Kahrtuum taas oo kusoo begmeysa iyadoo dhawaan Soomaaliya ay kor u kacday liiska kala horeynya dalalka ku jira FIFA, waxaana rajeyneynaa in mar kale ay Soomaaliya kor usii kacdo”ayuu yiri guddoomiyaha guddiga OLombikada Soomaaliyeed Duran Axmed Faarax.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed Rooble oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in inkastoo ciyaartoyda Soomaaliyeed ay dhibaatooyin ka soo gaareen amaan darada dalka ka jirta hadana uu aad ugu faraxsan yahay wixii dhacay jimcihii oo ah guusha ay gaareen wilasha yar yar.

“Kubada Cagta Soomaaliya waxay ku socotaa wadadii horumarka iyo kobaca waxaanse u baahanahay taageerada dowlada  iyo maalgelinta shirkadaha sababtoo ah dal kasta kubadiisa cagta waxaa maalgeliya shirkadohooda iyo dowladaha dalalkooda”ayuu yiri guddoomiye Cali Siciid Guuleed oo sheegay in tusaale ahandalka Tanzania shirakda Tusker ay kubad cagta ku bixiso sanadkiiba hal milyan oo doolar halka Soomaaliya aysan dowlada ama shrikad midna wax ka helin.

Wasiiru dowlaha sportiga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali ayaa sheegay in wasaaradu ay xooga saari doonto sidii dowlada looga dhaadhicin lahaa in Sportiga dalka ay door weyn ku yeelato xaga horumarinta iyo maalgelinta oo miisaaniyada dowlada lagudaro horumarinta sportiga.

“Kaddib muddo ka badan 20 sandood oo kaalintii dowladu maqneyd waxaan rajeyneyaa in dowlada Soomaaliya ay door weyn ka cayaari doonto sportiga”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay wasiiru dowlaha sportioga Cabdullaahi Sheekh Cali.

“Waxaa la gaara y waayihii guusha kubada cagta Soomaaliya—waa in aan dhamaanteent taageero weyn u muujinaa “ayuu goobta soo dhaweynta ka sheegay jilaaga caanka ah Cabdi Muriidi Ajakis.

Kubada cagta Soomaaliya ayaan wali kasoo kabsan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha unaxariistee guddoomiyihii Hore Siciid Maxmuud Nuur (Mugaambe) oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah 4-tii April  ee sanadkan, waxaana wali xanuunka geeridaas laga dareemayaa xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta dhamaan shacabka Soomaaliyeedna way dareemayaan wali dhacdadaas murugada leh.

Si kastaba ha ahaatee ciyaartoyda soomaaliya ayaa intaa kaddib loo kexeeyay dhanka xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee  ku taala bartamaha magaalada Muqdisho.

NB: Sawirro badan daaloco qeybta Englishka www.somsoccer.com/english

Somali Football Federation Media Department


Email:somalifootballmedia@gmail.com

 


Leave a comment