Xulka oo gaaray Addis iyo kumanaan Soomaali ah oo wadooyinka magaalada buux dhaafiyay.

Sunday November 13, 2011 - 20:16:44
0 Comments
3198
Shaafici Muxyidiin
Kumanaan taageerayaal Soomaaliyeed ah oo aad u faraxsan ayaa maanta gellinkii dambe buux dhaafiyay wadooyinka magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ityoobiya kadib markii galabta ay garoonka diyaaradaha Magaaladaasi ka dageen xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya.


Taageerayaasha jidbeysan oo kor u hayay calnka buluuga ah ee Soomaaliya isla markaana ruxayay caleemo qoyan ayaa safaf dhaadheer u taagnaa wadada dheer ee isku xirta hotelka kooxdu dagtay ilaa iyo garoonka diyaaraha tan iyo saaka waabrigii.

 “Soomaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsada ee hadba tiina taagdaranee taageera waligiinee” iyo erayo kale oo Soomaali jecely muujinaya ayay ku dhawaaqayeen taageerayaasha Soomaalidu.

Safaarada Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa kaalin weyn ka qaadatay soo dhaweynta xulka qaranka.

Axmed Cali Xasan oo ka mida masuuliyiinta jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Itoobiya ayaa saxaafada u sheegay in jaaliyadu ay aad uga xumaatay bar bar dhicii xulku guirigooda ku galeen laakin ay hada aad ugu rajo weynyihiin Itoobiyaanka in gurigooda ay ku  garaacaan.

“Maanta Addis Ababa Muqdisho oo kale ayay u muuqatay meel kasta waxaa lagu arkayay dad weyne farabadan oo Soomaali ah oo calanka buluuga ah kor u haya, waxaan Allah ka baryaynaa in uu gacanta sare na siiyo”ayuu yiri masuulkan ka mida madaxda jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Itoobiya.

Arbacada oo bishu ay tahay 16 ayay xulka Soomaaliya la cayaari doonaan Ityoobiya lugta labaad ee is reeb reebka koobka aduunka ee 2014-ka loogu tartamayo.

Somali Football Media Department

+252699 969815 Cell

+25261 5582980 Cell

+2521 600601 Fax

+2521 235057 Office

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment