HAMBALYO:Macalinka Kooxda Somali Beach-soccer ee Switzerland oo wiil u dhashay

Monday January 10, 2011 - 11:37:31
0 Comments
4562
Shaafici Muxyidiin
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur (Mukambe) ku xigeenadiisa Cali Saciid Guuleed Rooble, cabdulaahi Abow Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Baki, Xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab,Xasan Maxamed Maxamuud, Abuukar Islow Xasan, Shaafici Muxuyadiin Islow, Cabdi Cabdulle Baasaale, xubnaha guddiga fulinta,garsooreyaasha, macalimiinta, cayaartoyda iyo dhamaan bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan waxaa ay hambalyo u dirayaan Macalinka kooxda Somali beach soccer team ee dalka Switzerland macalin Axmed Maxamed (Axmed Gaab) oo sabtidii wiil ugu dhashay dalka Switzerland.


Wiilkaas oo dhererkiisu dhan yahay 52 CM culeyskiisuna yahay 4 KG ayaa waxaa loo bixiyay Maxamed Fariid, waxaana masuuliyiinta xiriirku ay leeyihiin Maxamed Fariid soo bar baar oo noqo kii dalkiisa ,dadkiisa iyo diintiisaba anfaca.

 

Maxamed fariid iyo hooyadiis Rachel Hess oo Swiss ah labaduba aad ayay u caafimkaad qabaan, waxaana maxamed Fariid u rajeyneynaa isna in uu noqdo macalin kubada cagta ah oo wax weyn u tara kubada cagta soomaaliyeed sidii aabihiis oo kale.

 

NB:Cidii hambalyo udireysa Macalin Axmed Gaab waxaa ay kusoo hagaajin kartaa waaxda warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Email:somalifootballmedia@gmail.com.

 



Leave a comment