Kooxda Horseed oo ku guuleysatay tartrankii Futsalka ee nabadeynta

Wednesday December 08, 2010 - 21:01:41
0 Comments
2714
Shaafici Muxyidiin
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagusoo gabagabeeyay tartan Futsal ah oo loogu tala galay dhiiri gelinta nabadda iyo is dhex galka bulshada kaas oo muddo 2 todobaad ah ka soconayay garoonka Degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galay 8 kooxood oo heerka 1-aad ah waxaana cayaartii finalka maanta isku haleelay kooxaha Horseed iyo Olympic Fitness Center,waxana 2-0 ay guushu ku raacday kooxda Horseed ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

 

Cayaarta oo ahayd mid aad u adag ayaa waxaa daawashadeeda kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur, Xaaji Maxamed Axmed Colow oo xubin ka ah guddiga Olombikada soomaaliyeed, Guddoomiyaha gudiga Futsalka ee Xiriirka Kubada Cagta Bashiir Maxamuud Geeseey, Xoghayaha arrimaha isboortiga ee Ururka haweenka Soomaaliyeed Deeqo Cabdulaahi Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo aad u farabadan.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur oo hadal ka jeediyay munaasabad koobka lagu guddonsiinayay kooxda Horseed oo isla garoonka ka dhacday ayaa ugu hambalyeeyay cayaartoyda iyo maamulka kooxdan guusha ay gaareen.

 

“Waxaan idin rajeynayaa isboorts horumar leh”ayuu yiri xaaji Maxamed Axmed Colow oo ah guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee feerka ahna xubin gudiga Olombikada xilli uu koobka guddoon siinayay kabtanka koxoda Horseed.

 

“Anigoo ku hadlaya codka ururka haweenka Soomaaliyeed, waxaan aad ugu faraxsanahay dhaq dhaqaayada horumarinta isboorti ah ee dalka ka soconaya, waxaana cod dheer idinkugu sheegayaa in aan kaalinta nooga aadan ka qaadan doono horumarinta isboortiga dalka”ayay tiri Xoghayaha arrimaha isboortiga ee Ururka haweenka Soomaaliyeed Deeqo Cabdulaahi Maxamuud.

 

“Haweenku waa macalinka ugu horeeya ee bini’aadamka waxaana inagoo saameynteena bulshada adeegsanayna aan ku dhiiri gelineynaa dhalinyaradu in ay ka feejignaadan dagaalada iyo waxyaabaha kale ee dhaqan xumada ah taa badalkeedana ay hiwaayad ka dhigtaan isboortiga”ayay tiri Deeqo.

 

Somali Football Media Department

+25250 930226 Office

+2526 99 969815 Cell

+2521 600601 Fax

 

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment